Wararka laga helayo Gobolka Sool ayaa sheegay inuu dagaal ka qarxay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo ay isku hor fadhiyeen ciidamada Somaliland iyo Puntland.
Labada ciidan ayaa la sheegay inay isku dhaceen, iyagoo is weydaarsanaya madaafiicda iyo hubka waaweyn, waxaana dadka degaanka ay soo sheegeen in dagaalka uu yahay mid culus.
Dagaalka labada dhinac ayaa ka danbeeyay markii ciidamada Somaliland ee aagga Tukaraq lagala goostay gaari nooca dagaalka ah oo lala aaday dhinaca Puntland, taasoo keentay dagaalka oo qasaare dhaliyey.
Weli ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka, laakin waxaa ay ciidamada halkaasi isku hor fadhiyeen wax ka badan 6 bil.
Dagaalkan ayaa ku soo beegmay iyadoo maamulka Puntland uu isu diyaarinayo doorashada madaxda maamulkaasi oo 8-da Bishan Janaayo ka dhici doonta magaalada Garowe.