Wararka laga helayo Gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu halkaasi ka qarxay dagaal xoog leh oo u dhaxeeya maleeshiyo kasoo kala jeeda degaanada Puntland iyo Galmudug.
Dagaalkan oo saaka bilowday ayaa ka socda degaanka Af-barwaaqo ee u dhow magaalada Gaalkacyo, waxayna wararku sheegayaan dagaalka loo adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo lasoo weriyey qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Wararkii ugu horeeyay ayaa sheegaya in dagaalka labada maleeshiyo beeleed lagu dilay in ka badan 5 qof, dhaawacna uu gaarsiisan yahay ilaa 10 kale,waxaana dadka degaanka ay sheegeen inuu dagaalku ka dhashay Dhul daaqsin ah oo labada dhinac ayisku qabsadeen.
Qasaaraha dagaalka ayaa sii kordhaya, waxaana dhaawacyada la gaarsiiyey Isbitaallo ku yaalla magaalada Gaalkacyo.