Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Dagaalka Argagixisada maahee, ma taqaan caddow kale oo Muqdisho leedahay, dagaalna lagula jiro..?

    Dagaalka Argagixisada maahee, ma taqaan caddow kale oo Muqdisho leedahay, dagaalna lagula jiro..?

    December 6, 20175 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Tallaabada ay qaaday Dowladda Soomaaliya oo garab ka heleyso Beesha Caalamka waxaa looga hortagi karaa Musuqmaasuqa, iyadoo ay horey u jireen dhibaatooyin kale tani waxay noqoneysaa tallaabo cusub oo wax looga qabanayo dadka awoodda dowladda u isticmaalayo sida aan sharci aheyn gaar ahaan Saraakiisha Ciidamada Dowladda.

    Askari ka tirsan Ciidamadda dowladda oo hubinayo aqoonsiga mid kamid ah Darawalada Baabuurta Muqdisho

    Sanado badan way hirgeli weysay in wax laga qabto dhaqanka Musuqmaasuqa ku saleysan ee ka dhex jiro Saraakiisha Ciidamada dowladda tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladda Dhexe ee uu hoggaamin jiray Maxamed Siyaad Barre sanadkii 1991 markaas oo uu dalka Soomaaliya galay dagaalo sokeeyo oo socday muddo 20 sano ah.

    Musuqmaasuqa iyo Laaluushka wuxuu Soomaaliya ka noqday wax caadi ah gaar ahaan qeybta saraakiisha Amniga qaabilsan, taas waxay sababtay inay Bulshada aqbalaan Musuq maasuqa joogtada ah ee dusha ka saaran waxaana sabab u ah Sharci darada wadanka ka jirto iyo inuusan jirin nidaam sax ah oo lagula dagaalamo Musuq maasuqa.

    Dowladda hadda ka jirto Soomaaliya waxay ahmiyad gaar ah siisay sidii looga hortagi lahaa Masuqmaasuqaas iyadoo aan la iska indha tireyn dagaalka lagula jiro Ururka Xiriirka la leh Al-Qaacidda ee Al-Shabaab oo dowladda Soomaaliya culeys ku hayo isla markaasna mar kasta ka mashaquulinayo in si dhab ah looga hortago Musuq- maasuqa.

    Ilaa hadda Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa bilooyin badan ku celcelinayey in wax laga qabto Musuq Maasuqa ka jiro  gudaha Saraakiishada iyo Ciidamada Dowladda kuwaas oo laaluush ka qaato Koontaroolada ay ka joogaan Magaalada Muqdisho midaas oo saameyn ku yeelaneyso Amniga Muqdisho.

    ” Askari kasta oo lasoo qabto isagoo Laaluush ku qaadanayo Kantaroolada Magaalada wuxuu wajihi doonaa Sharci adag iyo in lasoo saaro Maxkamad Militari” Digniintaan ayuu Thaabit ka jeediyey shirkii looga hadlayey Amniga Caasimadda ee dhacay Asbuucii hore.

    Duqa Muqdisho Thabit Abdi

    Mar kasta oo ay Saraakiisha dowladda iyo madaxda dalka ay ka shiraan Amniga Caasimadda Muqdisho waxay Saraakiisha soo jeediyaan in wax laga qabto masuq maasuqa ka dhex jiro heerarka kala duwan ee Ciidamada midaas oo caqabad weyn ku ah wax ka qabashada xaaladaha Amni ee ka jiro Caasimadda Muqdisho.

    Kasloonidii ay Shacabka Muqdisho ku qabaneyn dowladda waxaa dhaawac weyn u geystay qaraxiii dadka badan ay ku dhinteen ee ka dhacay Isgoyska Soobe ee Caasimadda Soomaaliya.

    Si kastaba ha ahaatee tan iyo markii uu Qaraxaas dhacay waxaa si weyn loo xoojiyey amniga Magaalada iyadoo Kontaroolada lasoo dhigay Ciidamo cusub si baaritaan guud loogu sameeyo gawaarida sida gaarka ah loo leeyahay iyo kuwa dadweynaha taasoo ah isku day lagu doonayo in dib loogu soo celiyo xasiloonidii Magaalada Muqdisho.

    Waxaa Muuqato in qaabkaan cusub ee loo sugayo Amniga Muqdisho laga gaaray guulo waaweyn inkastoo ay weli wax kasta biliow yihiin.

    Waxaa Qaraxii Soobe laga joogaa Asbuucyo iyadoo aysan Magaalada ka dhicin wax Qarax ah inkastoo weerar lagu qaaday Hotel Naasa Hablood 2 , waana sababta uu Duqa Muqdisho u dhahayo wax badan ayaa laga qabtay Amniga Muqdisho.

    Sidoo kale qaabka cusub ee looga hortagayo musuq maasuqa ka dhex jiro Hey’adaha Amniga iyo dabagalka lagu hayo saraakiisha Laaluushka qaato wuxuu u muuqdaa nidaam hadda bilow ah .

    Laakiin dagaalka cusub ee ka dhanka ah musuqmaasuqa ee nidaamka amniga iyo saraakiisha laaluushka qaato ayaa u muuqda in si habboon loo diyaariyay. Qorshayaasha lagu doonayo in lagu ugaarsado ayaa ah in lala socdo dhaq dhaqaaqooda iyadoo qalab lagu xirayo taleefannada gacanta si ay u ururiyaan caddayn ku saabsan ku lug lahaanshahooda kiisaska laaluushka.

    “Ahmiyadeena koowaad waa la dagaalanka Musuq maasuq, waxaana hadda diyaarsan qorsho dhameystiran oo looga hortagayo” ayuu yiri Thabit Cabdi.

    Tallaabada koowaad oo dowladda qaadeyso ayaa ah in lasoo qabqabto Ciidamada taagan Jidadka Muqdisho ee laaluushka ka qaato Bajaajyada Magaalada ka shaqeysto midaas oo ah habka ugu fudud ee wax looga qaban karo.

    Dadka Magaalada Muqdisho ku nool ayaa si weyn usoo dhaweyn doono nidaamkaan cusub ee lagula dagaalamayo Musuq Maasuqa maadaama inta badan ay dhibaato kala kulmaan  askarta lacagaha Laaluushka uga qaato Waddooyinka Magaalada, inkastoo ay shaki ka muujinayaan inay dowladda ka hortagi karto Musuq Maasuqaaan maadaama ay iyada dhibaatada wado, waxayna dalbanayaan in la helo hey’ado madax banaan oo arrintaan wax ka qabto.

    “Qorshahaan cusub wax badan ayaa nagu caawin doonaa, balse waxaa muhiim ah in weyn looga taxadaro arrintaan, iyadoo laga fogaanayo in sarkaal aan dambi laheyn dusha laga saaro maadaama uu jiro xilfaatan gudaha ah oo ka dhaxeeyo Saraakiisha Ciidamada” ayuu yiri Mohamud Abdullahi oo ah korneyl howlgab ah oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda.

    Si kastaba ha ahaatee, Nidaamka cusub ee musuq maasuqa looga hortgayo wuxuu dowladda iyo Beesha Caalamka ka caawinayaa in laga hortago Musuq maasuqa soo jireynka ahaa kaasoo dhibaato badan ku hayey dalka si loo dhameeyo dhaqanka ah in Saraakiisha ku takri falaan awoodda dowladeed.

    “Kalsoonida dadwaynuhu waa furaha, tani waxay noqon doontaa talaabo muhiim ah oo lagu doonayo in lagu soo celiyo sharciga iyo kala dambeynta” ayuu yiri Mr. Thabit Abdi  oo ka hadlayey nidaamka cusub ee looga hortagayo musuq maasuqa.

    Isha: alleastafrica.com

    Waxaa turjumay: Cabaas Cali Xasan (Cabaas Xaliye)

    Banaadir Caddowga Muqdisho Muqdisho Musuq Taabit
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleGuddoomiye Taabit oo Dalbaday in ciidamo hoostaga G/Banaadir lagu wareejiyo Ammaanka Magaalada Muqdisho
    Next Article Maamullada Galmudug & Ahlu suna oo Heshiis Cusub ku saxiixanaya Madaxtooyada Somalia [Akhriso]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo