Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka magaalada Guriceel ayaa sheegaya inuu weli socdo dagaalka, iyadoo ay ciidamada dowladda Federaalka rogaal celin sameeyeen.
Ciidamada Galmudug iyo kuwa Milateriga dowladda Federaalka ayaa dib ula wareegay aagga Saldhigga iyo xarunt degmada Guriceel, waxaana dagaalka la sheegay inuu weji labaad oo ah in Shlu suna ay ka dagaalameyso dhinaca Waqooyi ee magaalada.
Goobjoogayaal ku sugan magaalada ayaa sheegay in dagaalka hadda ka socdo dhinaca Waqooyi ee Guriceel, sida Aagagga Jaamacadda iyo Ceel Cabdi Faarax, halkaasoo ay xoog ku leeyihiin Ahlu suna.
Wararka qaar aya asheegaya inuu Taliyaha Xoogga dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage uu gaaray Guriceel, isagoo hoggaaminaya dagaalka, waxaana uga horeeyay saraakiisha qeybta 21-aad ee Gobollad Dhexe.
dhinac kale ciidamada dowlada ayaa la sheegay inay dib u qabsadeen gaari Beebe ah oo Ahlu suna ku qabsatay iska hor imaad ka dhacay degaanka Bohol e duleedka magaalada Dhuusamaeeb.
Dagaalka Guriceel ayaa si gaabis ah ku socda, waxayna ciidamada dowladda iyo Galmudug wajahayaan iska caabin xoog leh oo ka imaaneysa dhinac Ahlu Suna.
Qasaaraha dagaalka ayaa weli si buuxda loo ogeyn, laakiin isbitaalka Istarliin ee magaalada ayaa la geeyay 6 qof oo dhaawac ah, waxaana gubtay guryo iyo xarumo dhowr ah markii ay ku dhaceen madaafiicda Hoobiyeyaasha ee la is weydaarsanayo.





