Dagaalka siyasadeed ee ka dhaxeeya wasiirka Waxbarashada xukuumadda Federaalka C/llaahi Xaaji Carab iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa gaar heer ay ku lug yeeshaan odoyaasha dhaqanka beelaha Muqdisho.
Dagaalkan oo markii hore ka dhashay khilaafkii Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa weli socda, iyadoo aanu saameyn ku yeelan heshiiskii Farmaajo iyo Rooble.
Odayaasha dhaqanka Beelaha Gobolka Banaadir ayaa loo abaabulay inay taageeraan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo maamulkiisa, waxayna shir jaraa’id oo ay ku qabteen maanta Muqdisho eedeyn u jeediyeen Wasiirka Waxbarashada, iyagoo dalbaday in maamulka G/Banaadir loo daayo maamulka Waxbarashada.
Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa ayaa sheegay in Duulaan qarsoon uu ku socdo Gobolka Banaadir, isaguna uu aaminsan yahay in loo diiday maamul uu sameysto, haddana waxbarashada Gobolka Banaadir ay dalabanayaan in loo daayo maamulkeeda. “Waxbarashada siyaasada halaga daayo” ayuuna yiri Nabadoon Xaad.
Wuxuu intaas ku daray inuu socdo qorshe waxbarashada Gobolka banaadir la doonayo in dib loogu celiyo Wasaaradda Waxbarashada, taasoo uu sheegay inay keeni doonto in ardayga dhigata Dugsiyada Gobolka Banaadir aanay baasin oo dhammaan la wada rido.
Waxaa kaloo maamulka Gobolka Banaadir inuu maamusho waxbarashada difaacay odayaal kala duwan oo ka hadlay shirkii maanta, iyadoo wasaaradda iyo dowladda ku eedeeyay inay xaqooda duudsiineyso dadka Gobolka Banaadir.
Khilaafka ugu danbeeyay ee Wasiirka Waxbarashada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa salka ku haya kharashaad uu maamulka Gobolka Banaadir kusoo rogay Dugsiyada waxbarashada magaalada Muqdisho, Macalimiinta iyo jaamacadaha, taasoo ay ka hor timid Wasaaradda Waxbarashada meesha ka saartay.
