Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo barta Twitter-ka ee uu sida weyn u adeegsado ayaa xaalad adag dhex martay intii ay socotay Doorashada Madaxweynaha Mareykanka oo weli aan lagu kala bixin.
Fariimaha Trump ayaa u badnaa kuwo uu ku weerarrayo Doorashada, isagoo sheegayana in la xaday, ku baaqaya in la joojiyo, isla markaana sheeganaya guul aam jirin, taasoo keentay in baraha bulshada ee waaweyn ee Twitter iyo Facebook ay fariimihiisa saaraan digniin ah ina marin habaabin tahay, dadkana u tilmaamaan goobaha rasmiga ah ee natiijada laga socon karo.
Baaritaan uu sameeyay Wargeyska New York Times ayaa lagu xaqiijiyey in barta Twitter ay qarisay oo calaamad dul saartay 38% farriimihii uu bartaasi ku qoray Donald Trump laga soo bilaabo Talaadadii oo Doorashadu bilaabatay.
Trump ayaa laa xilligaasi bartiisa Twitter-ka soo dhigay 29 farriimood oo Doorashada ku saabsan, waxaana la qariyay oo calaamado digniin ah la saaray 11 ka mida, wuxuuna farriimahiisa qaar nidaamka doorashada Mareykanka ku sheegay mid musuq ku dhisan oo codad aan jirin lagu darsaday, taasoo dagaal ka dhex abuurtay Trump iyo Twitter-ka.
Warbaahinta waaweyn ee Mareykanka ayaa jaray ama joojiyay xalay inay baahiyaan shirkii jaraa’id ee Donald Trump markii uu ku faafiyey warar aan xaqiiqo ahayn oo ku saabsan Doorashada, waxayna intooda badan faallo ka bixiyeen hadalladiisa inaysan xaqiiqo ahayn.
Dagaalka warbaahinta waaweyn ee Mareykanka iyo Madaxweyne Trump ayaa muddo dheer soo socday, wuxuuna door biday inuu adeegsado baraha bulshada, laakiin Twitter-ka uu ku dagaalami jiray ayey isku dhaceen xilligan markii ay timid doorashada uu doonayo inuu ku guuleysto, laakiin rajadiisa ay soo yaraatay.

