Iyadoo uu sii xumaanayo xiriirka Raashiya Iyo Turkiga kadib diyaaradii dagaal ee Raashiya oo 22-kii bishan ay ciidamada Cirka Turkiga soo rideen ayaa warbaahinta Raashiya waxay baahisay eedeyn ku saabsan in wiil iyo gabar uu dhalay madaxweynaha Turkiga Rajeb Dayib Ordogan ay xiriir qarsoodi ah la leeyihiin kooxda khilaafada islaamiga ee Daacish.
Saxaafada Ruushka waxay soo bandhigtay sawiro uu xubno ka tirsan saraakiisha Daacish la sawiran yahay iyadoo aan la sheegin kuwa ay yihiin saraakiishaasi waxayna saxaafadda Raashiya shaacisay in wiilka uu dhalay Ordogan ee lagu magacaabo Bilaal uu ku lug leeyahay shidaalka suuqa madow ee Daacish iibiso, waxayna sidoo kale sheegeen in gabar uu dhalay Ordogan oo iyana lag magacaabo Sumaya ay ganacsigan ku lug leedahay.
Sawirada la soo bandhigay ayaa waxaa ka muuqda xubno sita lebista Kurdiyiinta mana cadda inay yihiin Daacish laakin waxay shaki la’aan qeyb ka yihiin dacaayadda Raashka ee dhinaca warbaahinta.
DAAWO SAWIRADDA


