Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in aagag kala duwan ay ka socdaan howlgallo dagaal oo Alshabaab looga xoreynayo degaanada Galmudug.
Aaagaga dagaalka Galgaduud iyo Mudug waxaa ku sugan Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, iyagoo dhiiri gelinaya ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ee dagaalka ku jira.
Labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaa dhaqdhaqaaq milateri oo xoog leh laga dareemay aagagga Galgaduud, iyadoo ay dhaceen 17 howlgal oo ka dhan ah Alsahbaab, kuwaas oo lagu dilay 120 ka tirsan Alshabaab, sida uu sheegay Wsiir ku xigeenka Warfaafinta.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay gaareen degaaada Ceel la helay, CaalGaras. Wabxo iyo Xinlabe, iyadoo uu socdo howlgalkii ugu weynaa ee Galgaduud iyo Mudug.