Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Dagaalkii Baraha bulshada ee Sucuudiga iyo Qatar oo gaaray heerkii ugu sareeyay, isuna bedelay..

    Dagaalkii Baraha bulshada ee Sucuudiga iyo Qatar oo gaaray heerkii ugu sareeyay, isuna bedelay..

    June 3, 20184 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dagaalka muddada sanadka ah ka dhaxeeya Qatar iyo dalalka Sucuudiga iyo kuwa kale xulufada ah ayaa la’isu adeegsanayaa nooc cusub oo sawaariiq ah: kuwaas oo ah baraha bulshada ee been abuurka ah, wararka been abuurka ah iyo waliba in la jabsada xogaha ku kaydsan internetka.

    Waxa oo dhan waxa ay biloowdeen 24-tii bishii May, 2017-kii, xilligaas oo war la yaab leh lagu soo qoray bogga wakaaladda wararka rasmiga ee Qatar ee loo yaqaano QNA, warkaas oo ka hadlaya khudbad uu jeediyay Amiirka Qatar Sheekh Tamiin Binu Xamad Al-Thani, kaas oo amaanay ururka Xamaas, Ikhwaanka iyo waliba Iiran, sida qoraalka ka muuqatay.

    Balse wasaaradda arrimaha dibeda Qatar ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in warkaas uu ahaa mid abuur ah, boggana la jabsaday , falkaas oo lagu eedeeyay xulufada Sucuudiga.

    Balse warbaahinta Sucuudiga iyo Imaaraatka, gaar ahaan Taleefishinka Al Carabiya iyo Sky News ayaa durbadiiba warka la booday, si weyna u buunbuuniyay, iyaga oo Qatar ku eedeeyay hawlo argagixiso.

    Dadka reer Qatar ayaa darbiyada ku xardhahayay fariimo wax iska caabbin ah
    Dadka reer Qatar ayaa darbiyada ku xardhahayay fariimo wax iska caabbin ah

    Waxaa jiray eedeymo kale oo ciwaano la jabsaday ah, markan waxa uu bartilmaameedka ahaa Imaaraatka. Safiirka UAE u fadhiya Maraykanka ciwaankiisa Emailka ayaa la jabsaday, waxaana lasoo bandhigay fariimo xasaasi ah oo noloshiisa gaarka ah iyo hawlaha uu qabtaba ku saabsan.

    5tii bishii June, dalalka Sucuudiga, Imaaraatka, Baxreyn iyo Masar ayaa xiriirka u jaray dowladda Qatar oo ay ka wada tirsanaayeen dalalka gacanka ee xagga saliida hodanka ku ah. Waxa ay ku eedeeyeen in ay taageerto kooxaha argagixisada.

    Waxaa la xiray xuduudaha dhulka, badda iyo cirkaba, iyada oo xitaa lasoo eryay muwaadhiniintii reer Qatar ee dalalkan ku sugnaa.

    Waxa ay soo soo saareen 13 qodob oo ay ka doonayaan in ay Qatar waafaqdo muddo 10 maalmood ah haddii ay doonayso in laga qaado xayiraadda la saaray. Balse Qatar ayaa gaashaanka ku dhufatay, sheegtay in shuruudaha ay yihiin kuwa xad gudub ku ah jiritaankeeda qaranimo.

    Waxaase la yaab ahaa in madaxweynaha Maraykanka uu soo dhaweeyay tallaabooyinka laga qaaday Qatar, waxaana xusid mudan in markaas uun uu kasoo laabtay safar uu ku tagay Sucuudiga.

    Qatar ayaa diiday dalab ah in la xiro Al Jazeera
    Qatar ayaa diiday dalab ah in la xiro Al Jazeera

    Baraha Bulshada ee been abuurka ah

    Dhanka Qatar waxaa aad u caanbaxay halku dhegyada “Tamim The Glorious” and “Qatar Is Not Alone” kuwaas oo lagu taageerayo Qatar.

    Balse baaritaan ay samaysay laanta afka Carabiga ee BBC-da ayaa lagu ogaaday in inta badan fariimahan ay dirayeen ciwaano been abuur ah oo uu kumbuyuutar maamulo, laguna shubay barnaamij faraha in ay qoraaladan diraan si loo marin habaabiyo ra’yiga guud.

    Balse Qatar oo kaliya ma ahayn, waxaa jira ciwaano been abuur ah oo laga sameeyay Sucuudiga iyo meelaha kale, kuwaas oo dirayay fariimo lid ku ah Qatar.

    Wararka Been abuurka ah

    Baraha been abuurka ah ayaa baahinayay sawirkan oo ah kan amiirka Qatar Sheekh Tamini oo taraweerso ah
    Baraha been abuurka ah ayaa baahinayay sawirkan oo ah kan amiirka Qatar Sheekh Tamini oo weersho ah

    Waxaa jira labo ereybixin oo ay kala isticmaalaan labada dhinac ee is haya, hadba kan aad la hadasho, tusaale dhinac waxa ay haystaan ereyga ah “xayiraad’, dhinaca kale “mamnuucis”.

    Waxaa arrinta sii hurinaya warbaahinta la’iska argo ee labada dhinac, kuwaas oo si joogto ah hawada u marinaya eedeymo dhinacba dhinaca uu u jeedinayo.

    Sawirro aad u kala duwan ayay si joogto ah usoo bandhigaan, tusaale ahaan, taleefishinka Al Carabiya oo Sucuudiga laga leeyahay ayaa waxa uu soo bandhigay sawirro iskafaalooyin maran oo yaala dukaamada waaweyn ee wax laga iibsado, iyada oo la muujinayo sida Qatar ay u saamaysay xayiraadda.

    Balse Taleefishinka Al Jazeera oo dowladda Qatar leedahay ayaa isna soo bandhiga nolosha dadka oo caadi ah. Gabadha lagu magacaabo Dina Matar oo ah cilmi baare arrimaha gobolkaas ayaa sheegtay in wararka been abuurka ah ee labada dhinac ay iska faafinayaan ay yihiin kuwa halistooda leh.

    Dagaalka dhinac waliba leh ee labada dal u dhaxeeya ayaa gaaray heer aan hore loo arag isagoo ka gudbay mid siyaasadeed isuna bedelay mid bulsho oo aan waxba la isula harin, iyadoo laga tegay wax kasta oo la xurmeyn jiray, waxayna u badan yahay inuusan dhoweyn xalkiisa.

    Gulf crisis Qatar Sacuudiga Saudi
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleFaahfaahin: Dad ku dhintay Dagaal ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya ku dhex maray Muqdisho
    Next Article Shirkii Amniga Qaranka Dowladda Federaalka & Maamul Goboleedyada oo Baydhaba ka furmaya

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo