Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal qaraar oo kedis ah uu dhex maray ciidamo Itoobiyaan ah iyo maleeshiyo ka tirsan Alshabaab.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu ahaa mid kedis ah oo Alshabaab ku qaadeen ciidamo Itoobiyaan ah oo fara badan, kuwaasoo kasoo baxay Dhuusamareeb kuna sii jeeday Degmada Ceelbuur oo ay ka rari lahaayeen ciidamada Itoobiyaanka.
Tuulada Xararweyne ayuu weerarka ka dhaxeysa, taasoo u dhaxeysa degaanka Ceel-qooxle iyo Ceelbuur. Dadka degaanka ayaa soo weriyay in hub culus la adeegsaday, halka ciidamada Itoobiya aya madaafiic dhinac kasta u rideen.
Qasaare weyn oo labada dhinac ah ayaa lasoo weriyay inuu ka dhacay dagaalka oo saacado socday galabta, waxaana la gubay gaadiid ay wateen ciidamada Itoobiya, halka la qabtay dagaalyahanno Alshabaab ka tirsan. Waxay kaloo wararka hordhac ah sheegayaan in dhimasho laba dhinac ah ay jirto.
Saldhigga ciidamada Itoobiya ee Ceelbuur ayaa in muddo ah go’doon ahaa iyadoo sahay la’aan ay soo wajahday ciidamadaasi.
Wadani.com