Calaamo saarkii Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle ayaa dib u dhac ku yimid, kadib markii uu dalbaday Madaxweynaha Soomaaliya.
Wararka laga helayo magaalada Cadaado ayaa sheegaya in caleema-saarka Xaaf oo dhici lahayd 24-ka bishan May in dib loo dhigay ilaa 27-ka, taasoo ay keentay dalab ka yimid madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Safarrada Madaxweyne Farmaajo ayaa dhaliyay inuu waqtigu ku yaraado madaxweyne Farmaajo oo doonaya inuu ka qeyb galo xafladda caleemo-saarka madaxweynaha Galmudug oo la doorta 3-dii bisgan May.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa laf ahaantiiisa ka qeyb galay shirkii London iyadoo aan la caleemo saarin, taasoo khilaaf kala dhex dhigtay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi Cabdi.
Wadani.com