Qaar ka mida dalalka islaamka ayaa sheegay in caawa laga arkay bishii Shawaal oo ay Berri Ciid u tahay.
Inta badan dalalka Islaamka oo maanta buuxiyey 30-ka Ramadaan iyaga waa u CIID oo ma jirto Bil ay raadinayeen, inkastoo aragtida Bisha ay adag tahay Caawa in Isha lagu arko Afrika iyo qeybo badan oo Aasiya ka mida.
Dalalka Muslimka iyo kuwa dadka badan ee Islaamka ah ku nool yihiin ee ay maanta u ahayd 29-ka Ramadaan waxay kala yihiin: Pakistan, India, Iran, Cumaan, Suudaan, Brunei, Bangladesh iyo Marooco, waxaana isha lagu hayaa dalalka ku dhawaaqi doona inay Berri ciid tahay iyo kuwa Isniinta Ciidi doona.
Ugu horeyn Brunei ayaa ku dhawaaqday in la arkay Bishii Soonfur oo ay Ciid u tahay Axadda Berri, waxaana soo raacay Cumaan oo shaacisay inay Bishii Shawaal laga arkay dalkaasi oo ay Ciidayaan maalinta Berri ee Axadda.

Dhinaca kale Soomaaliya oo qeybo badan maanta ay Ciideen ayaa caawa la waayey Bishii Shawaal, waxaana dad badan ay shaki geliyeen go’aankii ay ku ciideen, iyadoo baraha bulshada laga baafinayo cid arag bishii Soonfur.
Xarunta Caalmiga ee Xidigiska ayaa sheegtay inay adag tahay caawa in bisha Soonfur lagu arko Isha kaliya, balse lagu arki karo qalab, iyadoo ay jiraan dalalka qaar laga arki karo.
Waxaa kaloo sheegay inay waayeen Bishii Shawaal oo ay dhammeystirayaan 30-ka Ramadaan dalalka India iyo Bangladesh, waxayna ciidi doonaan Isniinta.
Pakistan ayaa sidoo kale ku dhawaaqday inay Berri oo Axad ah ay Ciid u tahay markii bisha Shawaal laga arkay dalkaasi oo intiisa badan ay adkaaray in la arko Bisha.
Sudan ayaa sidoo kale ku dhawaaqday inay Berri u tahay CIID, sida uu shaaciyay Golaha Fiqiga Islaamiga dalkaasi, waxaana caawa shacabka la hadli doona Ra’iisal wasaaraha Sudan Cabdalla Hamdouk.