Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Dalalka ay ciidamada ka joogaan Somaliya oo cambaareeyay Muddo kororsigii Farmaajo, Amarro cusubna soo saaray

    Dalalka ay ciidamada ka joogaan Somaliya oo cambaareeyay Muddo kororsigii Farmaajo, Amarro cusubna soo saaray

    April 29, 2021Updated:April 29, 20213 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa magaalada Addis ababa ka dhacay shir ay yeesheen Guddi ay leeyihiin Wadamada Ciidamada ciidamada iyo Booliska ka joogaan Soomaaliya (AMISOM).

    Shirka waxaa ka eyb galay Danjireyaasha Taliyayaasha Ciidamada Difaaca iyo Taliyayaasha Booliska dalalka Burundi, Djibouti, Ethiopia, Ghana, Kenya, Nigeria, Sierra Leone iyo Uganda, iyadoo ay ka qeyb galeen AMISOM, waxaana guddoomiye Danjire Bankole Adeoye, Wakiilka Midowga Afrika ee Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga.

    Shirka oo ahaa kii 32-aad ee heer Safiirada iyo Taliyayaasha Ciidamada Difaaca / Taliyayaasha Booliska waxay dib u xaqiijiyeen inay cambaareynayaan go’aankii muddo kordhinta Baarlamaanka ee 12 April iyo saxiixii qaraarkaasi ee Madaxweynaha13ka Abriil 2021.

    Dalalka Ciidamada AMISOM iyo Booliska ka joogaan Soomaaliya ayaa sii xaqiijiyey Heshiiskii 17-kii Sebtember 2020 uu yahay dariiqa loo maro wada-xaajoodyada ku saabsan qaababka doorashooyinka ee Soomaaliya, iyadoo la tixgelinayo ka-qayb-galkeeda oo ah hannaan ay Soomaaliya leedahay oo ay maamusho Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah, Xisbiyada mucaaradka iyo bulshada rayidka ah.

    Waxay isku raaceen Xilligan tallaabada ay tahay qaado AMISOM si looga hortago inuu qarxo dagaal gacan ka hadal ah oo ka dhaca magaalada Muqdisho iyo meelaha ka baxsan – iyada oo la hubinayo in goobaha AMISOM la ilaaliyo lana sugo Amniga.

    Kulamadan ayaa waxaa lagu muujiyey xaalada iminka kajirta Soomaaliya inay tahay mid walwal leh oo marba marka kasii dambeysa kasii dareysa, waxayna ku celceliyeen baaqyo ah in la qaado kalsooni iyo talaabooyin dhisida kalsoonida iyo dib u soo celinta wada hadal sal balaaran oo loo dhan yahay si loo helo is afgarad ku aadan wadada loo marayo.

    Waxay soo dhaweyeen Hadalkii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ ee 27kii Abriil 2021 ee ku saabsanaa inuu diyaar u yahay inuu ku laabto Aqalka Hoose ee Baarlamaanka si go’aannadii 12 Febraayo dib loogu celiyo, iyo inuu sidoo kale ugu noqdo heshiiskii 17 Sebtember 2020 aasaaska u ah doorashooyinka.

    Waxay caddeeyeen in AMISOM ay ka fogaato ku lug yeelashada siyaasadda Soomaaliya, laakiin ay ahaato mid dhexdhexaad ka ah dhinacyada iyo dhinacyada siyaasadda ee kala duwan, si ay gacan uga geysato in Muqdisho noqoto meel nabdoon oo ciidamada ka caagan.

    Waxay soo dhaweeyeen baaqii 993 ee Midowga Afrika oo ahaa in si deg deg ah loo magacaabo loona diro ergey sare oo ah ergeyga gaarka ah ee arimaha Soomaaliya, iyadoo taageero laga helayo wakiilka gaarka ah ee Soomaaliya iyo madaxa AMISOM Sidaas awgeed.

    Ugu dambeyntii Waxay dalalka Ciidamada ka joogaan Soomaaliya isku raaceen inay sii wadaan inay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqa ciidamada iyo xaaladaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee soo if-baxaya ee Soomaaliya, iyadoo dib u soo celinta farsamo ay ku sameeyeen Guddiga Midowga Afrika.

    AMISOM AU Midowga Afrika Muddo kororsi
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSheekh Shariif: “Ra’iisal Wasaaraha iyo Maamul Goboleeyada waxay marxalad adag qaateen mowqif…”
    Next Article Guddoomiyaha Alshabaab ee G/Banadir oo farriin yaab leh u diray dadka Muqdisho. “La dagaalama labadaba”

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo