Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Dalalka Carabta & Muslimka oo laga Sooman yahay maanta (Somalia & Dal kale oo laga ciiday -Warbixin)

    Dalalka Carabta & Muslimka oo laga Sooman yahay maanta (Somalia & Dal kale oo laga ciiday -Warbixin)

    May 23, 2020Updated:May 23, 20202 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Iyadoo inta badan dalalka Muslimka iyo Carabta ay maanta sooman yihiin ayaa waxaa laga ciiday dalal fara-ku-tiris ah oo ay Soomaaliya ka mid tahay, waxaana la filayaa in Berri oo Axad ah 24-ka May 2020 dunida Islaamka si weyn loogu dabaalgeyo munaasabadda Ciidul firtriga.

    18 Dal oo ka mida Jaaamacadda Carabta ayaa laga sooman yahay maanta, iyagoo xalay shaaciyey inay dhammeystirayaan 30-ka maalmood ee Ramadaan, markii ay waayeen dhalashada Bishii Shawaal; laakiin waxaa inay Ciid tahay ku dhawaaqay dalalka Soomaaliya iyo Mauritania oo noqday kuwa kaliya ee laga ciiday.

    Dalalka maanta sooman maalintii 30-aad ee Ramadaanka ayaa kala ah: Sacuudiga, Kuwait, Qatar, Imaaraadka Carabta, Baxreyn, Masar, Jordan, Algeria, Djibouti, Comoros, Ciraaq, Syria, Lubnan, Yeman, Falastiin, Libya, Tunis. dalalkan ayaa maalinta Berri ee Axadda u dabaaldegaya Ciidul fitriga.

    Waxaa kaloo Berri ay ciid u tahay dalalka Turkiga oo iyadu ku soonta xisaabaadka Falaga ama cilmiga xiddigiska iyo dalalka waaweyn ee islaamka sida Indonesia, Malaysia, Pakistan iyo dalalka kale ee Aasiya.

    Dalalka Somalia iyo Mauritania ayaa dhinacooda ku dhawaaqay inay maanta oo Sabti ah u tahay Ciidul fitriga, iyadoo dowladda Soomaaliya ay bedeshay go’aankeedii hore ee ahaa in Sabtida la dhameystirayo bisha Ramadaan.

    Dowlad Goboleeyada, maamullada Soomaalida iyo Alshabaab ayaa maanta ku wada dhawaaqay inay tahay Ciid, laakiin waxaa ku kala qeybsamay dadka iyadoo qeyb ka mida ay sooman yihiin oo ay Berri ciidi doonaan.

    Waxaa jira dalal kale oo Ramadaanka bilaabay Sabtidii 24-ka April sida: Cumaan, Suudaan iyo Marooko, kuwaasoo ay maanta u tahay 29-ka Ramadaan, waxayna bisha raadin doonaan Caawa oo Sabti ah, waxaa sidoo kale dalalkaas la mida oo maanta uu 29 u yahay Ramadaanka Shiicada Ciraaq iyo Shiicada Lubnaan.

    Dalalka Afrika ee muslimiinta ku nool yihiin, lagana ciiday maanta waxaa ka mida: Mali, Senagal, Niger iyo Ivory coast.

    Waxaa xusid mudan in dalalka islaamka intooda badan aan salaadda ciida lagu oogeynin fagaarayaasha iyo masaajidda, iyadoo dadku ku jiraan Guryahooda cudurka Coronavirus awgiis.

    Alshabaab oo ku ciiday Kuunya-barrow
    ciid Ciidul Fitriga Muslim eid
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleFaahfaahin: Ciidamada Danab iyo Maleeshiyo Beeleed ku dagaalamaya Koonfurta Gaalkacyo
    Next Article Dalal shaaciyey inay arkeen Bishii Soonfur & Qaar kale oo Isniinta Ciidaya

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo