Dhamaan dalalka Muslimka ah, marka laga reebo laba dal iyo Soomaalida inteeda badan ayaa maanta 24-ka May 2020 laga ciiday iyadoo inta badan ay dadku soomeen 30 -maalmood oo Ramadaan ah.
Ciidul fitriga sanadkan ayaa khilaaf ka dhashay Soomaalida, kadib markii si khaldan Sabtidii loo sheegay in la arkay Bishii Shawaal, taasoo keenay in Alshabaab, Dowladda Soomaaliya, maamul Goboleedyada iyo Somaliland ay ku dhawaaqaan Ciid Sabtidii, laakiin dadweyne badan ayaa Soonkooda watay oo maanta ciiday.
Soomaaliya iyo Mauritinia ayaa ku keli noqday Ciidii shalay, waxaana soo saaray dalal afrikaan sida: Mali, Niger, Senegal iyo Ivory Cost oo dad Muslimiin ah u badan ama ku nool yihiiin, waxaa kaloo Berri oo Isniin ah ay ciid u tahay dalalka India iyo Bangladesh (Waxaa kaloo wehliya muslimiinta Nepal), balse dunida islaamka inteeda kale ayey maanta u tahay maalinta koowaad ee Ciidul fitriga.
Magaalada Dhuusamareeb oo shalay madaxda maamulkaasi ciideen ayey maanta dadweynaha Ciid u ahayd, waxaana la furay masaajidda oo shalay xirnaa oo si weyn maanta la isugu soo baxay, halka magaalooyinka kale ee dalka si weyn looga dareemay dadweynaha ciidaya.
Waxaa jira magaalooyin gebi ahaan maanta oo Axad ah laga ciiday sida Guriceel, Warsheekh iyo Dhuusamareen, waxaynu dadka xaqiiqsadeen inay khalad ahayd Ciidii ay shaacisay dowladda Soomaaliya markii shalay galab la waayey Bishii Soonfur.
Siyaasiyiin iyo dad kala duwan ayaa ku baaqay in arrimaha Soonka iyo Ciidaha laga wareejiyo wasaaradda Diinta, loona sameeyo Guddi gaara oo culimo iyo aqoonyahanno isugu jira si looga badbaado khilaaf iyo in been dadka lagu afuriyo.
