Dalalka ku bahoobay Naadiga Paris ee loo yaqaan (Paris Club) ayaa ku dhawaaqay inay Soomaaliya ka cafiyeen lacag dhan 1.4 Bilyan oo doolar oo ka mida deyntii Soomaaliya lagu lahaa.
Bayaan kasoo baxay Dalalka Paris Club, kadib kulan muuqal ah (Video Conference) ah oo ay la yeesheen wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa lagu caddeeyay in Soomaaliya laga cafiyey qeyb ka mida deyntii lagu lahaa oo dhan 1.4 Bilyan oo Doolar.
“Waa taariikh kale oo baal dahab ah u galeysa bulshada Soomaaliyeed maadaama Naadiga Paris ay naga cafiyeen deyn dhan 1.4 billion Dollar. Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan wadamada Paris club ee Soomaaliya ku garab istaagay dib-u-habeynta iyo horumar ka Maaliyadda dalka” ayuu yiri Wasiirka Maaliyada xukuumadda Soomaaliya oo ka hadlay kadib markii warkan soo baxay.
Wasiir Beyle ayaa sheegay in dowladihii deymaha ku lahaa Soomaalya ay muujiyeen ixtiraam ku aadan dadaalkii dheeraa ee ay soo galeen, taasoo ay ku muteysteen in ay laga saamaxo qeyb ka mid ah deyntii ay dalalkaasi ku lahaayeen Soomaalya.
In deynta kale laga cafiyo Soomaaliya ayaa qaadan karta ilaa 31 March sanadka 2023, marka ay Soomaaliya gaarto heerka ‘Completion Point’
Naadiga Paris waxaa xubno ka ah dalalka kala ah: Australia, Austria, Belgium, Brazil, Canada, Denmark, Finland, France, Germany, Ireland, Israel, Italy, Japan, Netherlands, Norway, Russian Federation, South Korea, Spain, Sweden, Switzerland, United Kingdom iyo United States of America