Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 25
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»BREAKING NEWS»Dalalka Safka hore oo Howlgal Wadajir ah ku qaadaya Alshabaab ah (Akhriso War-Murtiyeed)

    Dalalka Safka hore oo Howlgal Wadajir ah ku qaadaya Alshabaab ah (Akhriso War-Murtiyeed)

    February 1, 2023Updated:February 2, 20232 Mins Read BREAKING NEWS
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay Shirkii Madaxda Soomaaliya iyo dalalka safka hore oo uu guddoomiyey Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo ay qeyb galeen Madaxweynaha Kenya William Ruto, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

    Shirkan ayaa ujeedkiisu ahaa sidii la isaga kaashan lahaa looguna midoobi lahaa dagaalka ka dhan ah kooxda Al-Shabaab iyo sidii loo wiiqi lahaa awooddeeda gudaha Soomaaliya iyo gobolka.

    War-murtiyeed shirka laga soo saaray ayaa lagu sheegay inay madaxda ay isla garowsadeen baahida loo qabo iskaashi sare loogu qaadayo garab is-taagga dalalka deriska ah ee la xiriira dagaalka ay Soomaaliya kula jirto kooxda Al-Shabaab.

    Waxay sidoo kale madaxda isku raaceen in la sameeyo howlgal wadajir ah oo lagu qaadayo goobaha ay ku harsan yihiin argagixisada si gebi ahaanba Soomaaliya oo dhan looga xoreeyo Al-Shabaab, loona fududeeyo dhimista ciidamada ATMIS iyo in si tartiib tartiib ah mas’uuliyadda amniga Soomaaliya loogu wareejiyo ciidamada Soomaaliya.

    “Waxaa lagu heshiiyey in si wadajir ah loo qorsheeyo oo loo abaabulo olole hawlgal oo xooggan oo dalalka safka hore ah, kaasi oo lagu baadigoobayo laguna burburinayo Al-Shabaab, howlgalkaasi oo jihooyin badan ah, laguna beegsanayo meelaha muhiimka ah ee Al-Shabaab ay kaga sugan yihiin koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Ololahan xasaasiga ah ee waqtigiisa ku imanaya ayaa ka hortagaya in canaasiirta ay u gudbaan gobolka,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.

    War-murtiyeedka ayaa intaas ku daray in madaxa ay qireen codsiga dowladda federaalka Soomaaliya ee ah inay hesho ballan-qaadka iyo taageerada dalalka deriska ah ee ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya si ay ugala qayb qaataan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ka guuleysashada iyo burburinta kooxaha argagixisada.

    Waxay sidoo kale soo dhaweeyeen codsiga dawladda Soomaaliya ee ah in la helo taageero lagu qalabeeyo cutubyada cusub ee Ciidamma Xoogga Dalka iyo in kor loo qaado awoodda hub ee cutubyada Ciidamada Xoogga Dalka ee hadda howlgala.

    Shir madaxeedka ayaa sidoo kale isku raacay muhiimada ay leedahay in la sameeyo hab wadajir ah oo loo sugo amniga xuduudaha, si loo baabi’iyo dhaqdhaqaaqyada argagixisada ee ee xuduudaha iyo xaqiijinta marin sharci oo ay helaan ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa dadka.

    Madaxda shirka ka qeyb gashay ayaa dhanka kale waxay ka codsadeen saaxiibada caalamka in ay taageeraan dadaallada xasilinta goobaha laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab si loogu fududeeyo dowladda federaalka inay gaarsiiso adeeggeeda aas-aasiga ah iyo fidinta maamulkeeda.

    Djibouti Ethiopia Kenya Somalia Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleFaahfaahin: Dagaal lagu qaaday Alshabaab oo ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne
    Next Article C/raxman C/shakur oo Qormo culus ka qoray Dalalka Safka hore ee Xasan Sheekh u yeertay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo