Dawladaha Soomaaliya iyo Cuba ayaa ku heshiiyey inay dib u soo celiyaan xiriirkii Diblomaasiyadeed ee labada dal oo go’ay sanadkii 1977 oo dowladii Kacaanka ay xiriirka u jartay dagaalkii Somaliya iyo Itoobiya awgood.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac ayaa maanta qaabilay safiirka cusub ee dowladda Cuba u jooga dalka Kenya Juan Manuel Rodrigues Vazquez oo loo soo magacaabay inuu dalkiisa wakiil uga noqdo arrimaha Soomaaliya.
Safiirka Cuba ee Soomaaliya ayaa waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyey Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac oo sheegay labada dal ay xiriir diblomaasi lahaayeen intii u dhaxaysay 1972 – 1977, haddana ay ku heshiiyeen inay sii wadaan.
Dalka Cuba ayaa Itoobiya ku taageertay dagaalkii ay Soomaaliya la gashay, iyadoo ciidamo badan u soo dirtay Dalkaasi snadkii 1977.