Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiis Ganacsi iyo dhaqan. munaabsad ka dhacday magaalada Ankara ee caasimadda Turkiga.
Heshiiska waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda Somalia Mahdi Maxamed Guuleed oo isaga wafdi uu hoggaaminayo ay socdaal ku marayaan dalka Turkiga, halka Turkiga uu u saxiixay Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalkaasi Recep Akdag.
Shirkii ugu horeeyay ee guddiga ganacsiga labada dal ayaa ka dhacay magaalad Ankara, iyadoo la xoojinayo xiriirka labada dal ee dhinacyada Ganacsiga iyo Dhaqanka. Heshiiskan wuxuu Turkiga kaga iibsan doonaa Soomaaliya wax soo saarak beeraha sida Mooska, Liinta la qalajiyay, Sisinta iyo Kalluunka.
Waxaa kaloo heshiiska dhinaciisa dhaqanka ka faa’iideysanaya Fanaaniinta, Ardayda Jamacadaha iyo Weriyeyaasha, iyadoo xarumo qaabilsan dhaqanka laga kala furayo Soomaaliya iyo Turkiga.
SAWIRRO