Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Dalalka ugu horeeya dhaqaalaha ee G7 oo War culus kasoo saaray xaaladda Doorashada Soomaaliya

    Dalalka ugu horeeya dhaqaalaha ee G7 oo War culus kasoo saaray xaaladda Doorashada Soomaaliya

    May 6, 2021Updated:May 6, 20212 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wasiiradda Horumarinta iyo Arrimaha Dibadda ee dalalka ugu horeeya dunida dhaqaalaha ee loo yaqaan G7 ayaa War kasoo saaray xaaladda Soomaaliya iyo khilaafka ka dhashay muddo kordhinta ay sameysteen Madaxweynaha iyo Aqalka hoose ee Baarlamaanka.

    Bayaanka G7 ayaa lagu sheegay inay si aad ah ugu walaacsan yihiin jahaweeerka siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, isku dhacyadii rabshadaha watay ee u dhexeeyay dowladda iyo xooggaga mucaaradka iyo musiibooyinkii bini’aadanimo ee ka dhashay rabshadahaas.

    Dowladaha G7 ayaa sheegay inay sidoo kale ka xumaadeen go’aankii lagu kordhiyay muddada Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, taasoo ay ku sheegeen inay u arkayeen inaysan xal u aheyn geeddi socodka doorashooyinka, isla markaana ay wiiqeysay kalsoonida, nabadda, mustaqbalka dadka iyo horumarka hay’adaha dowliga ah.

    “Waxaan soo dhaweyneynaa ansixintii Baarlamaanka ee 1-dii March ee aheyd db u billaabista wadahadallada u dhexeeya dowladda Federalka iyo madaxda maamul goboleedyada, kuwaas oo ujeedkoodu yahay in la dhameystiro hannaanka doorashada ee ku saleysan heshiiskii 17-kii September” ayaa lagu yiri bayaan Arbacadii ka soo baxay shirkii waddamada G7 ee ka dhacay London.

    “Waxaan hoosta ka xarriiqeynaa in aynaan taageeri doonin geeddi-socod babar-socod ah, mid aan loo dhamayn, ama dadaallo cusub oo horseedaya kordhinta muddo xileedkii hore. Waxaan ku boorinaynaa dhamaan madaxda Soomaaliyeed inay aad isu xakameeyaan oo ay ka fogaadaan ficil kasta oo hal dhinac ah, kaas oo sababi kara in xiisadaha siyaasadeed ay kasii daraan, waana muhiim in dhammaan dhinacyadu ay ilaaliyaan amniga iyo xasilloonida Soomaaliya” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkan.

    Bayaankan ayaa ugu baaqay madaxda Soomaalida inay si degdeg ah ugu laabtaan wadahadallada doorashada, isla markaana ay galaan dood wax ku ool ah, ayna raadiyaan xal wax tar leh oo horseedi kara heshiis guud oo laga gaaro arrimaha harsan.

    “Haddii ayna taasi dhicin, waxay horseedi doontaa in bulshada caalamku wax ka bedesho qaabka ay u wajaheyso Soomaaliya” ayaa lagu soo gaba-gabeeyay warmurtiyeedka ka soo baxay shirkii Wasiiradda Arrimaha Dibada ee dalalka ku bahoobay G7, kaas oo Chinach kale soo dhaweysay Egayga Gaarka ah ee Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Africa, iyagoo sheegay inay taagerayaan dadaallada xal u helista arrimaha Soomaaliya.

    Ururka G7 oo ah 7-da wedan ee dunida ugu horeeya dhaqaalaha iyo warshadaha ayaa kala ah: Canada, France, Germany, Italy, Japan, Ingiriiska iyo Mareykanka.

    G7 London Somalia
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWiil Soomali Taksiile ah oo lagu dilay Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka
    Next Article Cali Geedi: “Ciidamada kasoo baxay goobihii ay ku hor fadhiyeen Al-shabab ee Muqdisho u yimid dagaalka..”

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo