Qoyska reer Aala-Saciid ee xukuma dalka Cumaan ayaa doortay Suldaan cusub oo dalkaasi xukumi doona kadib markii uu geeriyooday suldaankii dalkaasi ugu waqtiga dheeraa ee Suldaan Qaabuus Bin Saciid.
Qoyska ayaa isku raacay in Haytham Bin Daariq Ala-saciid uu noqdo hoggaamiyaha iyo suldaanka cusub ee dalka Cumaan, waxayna ilmo-adeer yihiin Suldaanka geeriyooday ee Qaabuus Bin Saciid, isagoo ka mid ahaa Golaha Wasiirada dalkaasi, Wasaaradda Dhaqankana ka ahaa wasiir, wuxuu kaloo muddo ka shaqeeyay wasaaradda arrimaha dibadda Cumaan.
Suldaanka cusub ayaa isla maanta lagu dhaarin doonaa xarunta Madaxtooyada dalkaasi, iyadoo ay muuqato in degdeg loo magacaabay suldaanka cusub oo wax khilaaf ah aanu ka dhalan.
Waxaa jira Golaha Difaaca Cumaan oo dooran lahaa suldaanka cusub haddii ay qoyska xukuma dalkaasi isku raaci waayaan qofka xilka qabanaya.
Isla maanta ayaa lagu wadaa in Suldaan Qaabuus la aaso, iyadoo ay aaskiisa ka qeyb galayaan madax ka socota dalalka Carabta.