Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Dalkan wuxuu hore u socon karaa haddii siyaasiyiintu aqbalaan isku-tanasul [Qormo Xasaasi ah]

    Dalkan wuxuu hore u socon karaa haddii siyaasiyiintu aqbalaan isku-tanasul [Qormo Xasaasi ah]

    October 15, 2019Updated:October 15, 20198 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaan la wada moogeyn khilaafka weyn ee dhex-yaalla madaxda sare ee xukuumadda Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jubbaland. Waxaa kale oo la wada og-yahay is-fahan-darrada dhex-taalla madaxda dowladda federaalka iyo in badan oo ka mid ah siyaasiyiinta dalka, gaar ahaan inta ka qayb-qaadatay caleema saarka Axmed Madoobe ee 12-kii bishan ka dhacday Kismaayo.

    Markii aad dhageysato doodda mas’uuliyiinta xukuumadda ama taageerayaashooda iyo inta ay siyaasadda isku hayaan, ha joogaan, Muqdisho, Puntland ama Kismaayo, waxaa si weyn u muuqanaya, kala aragti-duwanaan baahsan, kala aamin-bax qoto-dheer iyo kala shaki weyn.

    Tanoo kale ma arag

    Is-collaysiga dhex taalla siyaasiyiinta Soomaaliyeed shacabkiina ku faaftay, waxa ay marar badan iila ekaataa, cadaawadda siyaasadeed ee dhex taalla, siyaasiyiinta Maraykanka gaar ahaan Donald Trump iyo siyaasiyiinta Xisbiga dimuqraadiga sida Ilhaan Cumar ama Trump iyo saxaafadda xorta ah, sida CNN ama Washington Post ama New York Times.

    Anigu siyaasadda Soomaaliya ku dhawaad labaatan sano ayaan marna ku jirey marna ka ag-dhawaa, tanoo kalana ma arag. Dhinacyada is hayana, mid kasta si weyn ayay gar iskula leeyihiin, ayna u dareemayaan in koox dulmi wadda, gar-maqaatayaal-na ah ay is-hayaan, oo lagu saladay.

    Dhanka kale, waxaa labadaan garab oo siyaasadda isku-haya ku maqan ama colaad kala hor-jeeda, Al Shabaab iyo Daacish oo midna dalka toban sano ka badan ku xidideysatey, midna ay hadda doonayso in ay barroosinka aasato.

    Dhanka kale, adduunka qudhiisu soddon sano ku dhawaad ayuu Soomaalida ku labnaa ama ku larnaa, iyaga oo amni-sugidda iyo dowlad dhisidda ama amni khalkhal-gelinta iyo dowlad duminta qayb-weyn ka ahaa (sida qaar ka mid ah dalalka Afrikaan-ka iyo kuwa Carabta), dhanka kalana, in badan quwadaha dibadda (sida reer Galbeedka iyo Qaramada Midoobey) ay ahaayeen naakhuudayaal Soomaalida la saamayn ah, haddaysan-ba ka saamayn badnayn.

    Taas oo maxsuulkii ka soo baxay uu yahay, in soddon sano kaddib weli Soomaaliya ay nugushahay, qaybsan tahay, dowladda u dhisanna ay ku tiirsan tahay ku dhawaad 30 kun oo ciidamo ajnabi ah.

    Soomaaliya waxay maraysaa meel siyaasiyiintii shalay ahaa ul-iyo diir, ay maanta aad isku cadaaweysanayaan, shacabkiina uu aad u kala ir-dhaysan yahay, lana kala safan yahay siyaasiyiintaas sida weyn isku qoonsatay. Dhaqankaas is-colaysiga ah, dan uguma jirto dalka, siyaasiyiinta is-haya iyo shacabka toona, sii socoshada cadaawada siyaasadeed-na, waxa kaliya ee la hubo in uu keenayo waa, dib-u-dhac guud oo dalka, isku riiqan iyo isku-ceeboow laga baaqsan karey, maslaxana aan dhalayn.

    Xalka waa wada-oggol

    Sidaas darteed, aniga oo ka faa’iideysanaya khibradda xog-ogaalnimada aan u leeyahay siyaasadda Soomaaliya oo ilaa shirkii Carta aan caloosha u dhex-fadhiyey, waxaan ku talin lahaa: in qof kasta – ama madax sare oo siyaasi ah ha noqdo ama shacab ha noqdo ama saamayn kale ha lahaado, sida bulshada rayadka ah ama saxaafadda – in lagu dadaalo, in la fahmo in wada-oggol iyo isku-tanaasul ay ka wanaagsan yihiin is-collaysi iyo is-muquunin.

    Weliba, maaddaama ay Soomaaliya tahay dal ka soo kabanaya bur-bur, iska daa in siyaasiyiinta iyo shacabku ay kala ir-dhoobaane, waa waajib in la ogaado in dalku u baahan yahay in la isku diyaariyo sidii Al Shabaab iyo Daacish wada-hadal loola furi lahaa, maxaa yeelay kooxahaas oo hadda dadka dilaya, isna qarxinaya ayaan dagaal iyo muquunin looga adkaan karin, laguna khasbanaan doonaa in lala fariisto, tanasulna loo sameeyo.

    Sidaa darteed, waxaa is-weydiin leh, sidee ku dhici kartaa in aqoon-yahanno shalay saaxiibbo ahaa, kana yimid ama arkay adduun wada-oggol iyo is-wadasho ku socda, in ay colaad isugu fara-baxsadaan? Sideese ku dhici kartaa shacab soddon sano oo dowlad la’aan iyo colaad ay ragaadiyeen, ay kooxaysi iyo is-collaysi dhex-boodaan, runna moodaan.

    Halagu mintido in heshiis laga gaaro hannaan doorasho

    Hadda iyo dan, kol haddii xiligan ay dowladdii iyo mucaarad aruursan ay jiraan, isna hor-fadhiyaan, waxaa habboon in la is-weydiiyo, sidee horay loogu dhaqaaqi karaa? Sidee khilaafka cirka isku-shareeray, fursad horusocod looga dhex abuuri karaa ama looga dhex-baar-baari karaa?

    Aniga waxaa ii muuqata, in hadda xoogga la saaro in hal arrin laga wada-tashado, lagana gaaro go’aan ah wada-ogol ah iyo isku-tanasul.

    Qodobkaasina waa in laga heshiiyo, kaddibna laga wada hawl-galo, sidii doorashada loo muddaysan yahay in ay dhacdo 2020/21 heshiis guud looga gaari lahaa.

    Waxaan arkaa, haddii laga heshiiyo qodobkaas oo hadda taagan, in waxa xigaya ay yihiin in la ansixiyo xeerka doorashooyinka, in ol-ole doorasho loo dareero iyo in la gaaro in muwaadinka Soomaaliyeed uu taliyo, oo uu doorto, cidda talada dalka qabanaysa.

    In hannaan doorasho lagu heshiiyo ma aha arrin adag, Machadka Heritage oo aan ka tirsanahay, afar hannaan oo mid kasta la qaadan karo ayuu soo bandhigay.

    Weliba aniga fikir ahaan, waxaan arkaa in lagu heshiin karo, hannaan boqolkiiba sideetan (80%) waafaqsan sida dowladda iyo guddiga doorashooyinku ay wax u rabaan (aniga malahayga), kaas oo ah hannaanka loo yaqaan Matalaadda Isku-dheelli-tiran ee Liiska Xiran, (Proportional Representation, Closed List system,).

    Si ay maamul goboleedyadu u aqbalaan hannaankan, waxaan aan soo jeedinayaa – maaddaama dalku faderaal yahay – in meeshii dalka oo dhan laga dhigi lahaa hal deegaan doorasho [sida dowladda iyo gudiga doorashadu ay u eg tahay in ay u xaglinayaan] in la sameeyo shan deegaan doorasho oo ah shanta maamul-goboleed, iyaga oo dadka Muqdisho ku nool-na ay u codayn karaan kuraasta u astaysan Soomaaliland (oo qiyaas ahaan ah, ku dhawaad 40 kursi, Aqal Hoose iyo Aqal Sare).

    Hannaankan doorasho, waxa uu noqon karaa mid wada-ogol ah iyo xal la isla qaadan karo, waayo, waa hannaan doorasho oo sidiisana u wanaagsan dalalka nugul, aqbalsanna federaalaynta, mar haddii maamul-goboleed kasta kuraastiisa si gaar ah xisbiyadu ay ugu tartamaan.

    Lix deegaan-doorasho ayaa ka hobboon hal deegaan-doorasho

    Haddii la qaadan lahaa habka xukuumaddu riixayso – ee ah in dalka oo dhan loo aqoon-sado hal-deegaan doorasho-isla markaana xisbiyadu ay liis xiran ku soo gudbiyaan 275 tartame-xildhibaan oo aqalka hoose ah iyo 54 tarmate ee aqalka sare ah, markaas waxa ay noqonaysaa, akhristow haddii aad adigu xisbi madax ka tahay in xisbigaagu soo qoro 275 siyaasi oo Soomaali oo dhan ah oo u taxan min kow ilaa 275.

    Tusaale ahaan haddii xisbigaagu uu helo boqolkiiba konton (50%) codka dadweynaha codeeyey, markaas xisbigaagu, xildhibaanada baarlamaanka wuxuu ka helayaa 50% ama qiyaastii 137 xildhibaan, (waana taas midda loo yiri matalaadda isku dheeli tiran, oo tirada cadodka dadweyne oo xisbi kastaa uu helo ayaa kuraas loogu baddalayaa). Waxaase hubaal ah in siyaasi kasta oo damac dhab ah leh, in aanu aq-bali doonin in uu liiska xiran ee xisbigaaga uu ka noqdo numbarka 275, ama 200-aad ama 100-aad ama 70-aad, waayo, wuu og yahay ama ay og-tahay, in ay adagtay in xisbina uu helo cod dad-weyne oo dhali kara, 200 xildhibaan, ama 100 xildhibaan ama 80 xildhibaan ama xitaa 70 xildhibaan.

    Xisbiyada iyo shacabkaba waxaa u fiican deegaan doorashooyin badan

    Waa hubaal in siyaasigii doonaya in uu xisbi murashax ama tartame u noqdo, in uu dalbanayo in liiska meesha ugu horaysa looga qoro, oo uu ka mid noqdo 20-ka murashax ee ugu horreeya liiska xiran ee xisbigaas, dabcan, si uu u soo boxo.

    Haddii xisbiyo doorashada lagu galo, maaddaama ay u badan tahay ugu yaraan in ay tartami doonaan 10 ilaa 20 xisbi, midkiina uu heli karo tira kooban oo kuraas ah (waayo tirada guud ayaaba ah 275 kursi oo Aqalka Hoose ah iyo 54 Aqalka Sare ah), waa ay caddahay in xisbi kasta ay suurta gal tahay in ay u soo baxaan 20ka murashax ee ugu horreeya liiskooda haddaysan qaarkood wax ka yar oo kuraas ah helin. Waana la qiyaasi karaa, dadka ku qoran nambarka 80-aad, ama 100-aad ama 275-naad in aanay lahayn rajo doorasho dhab ah.

    Sidaas ayaana u arkaa in dalka aan hal deegaan doorasho laga dhigin ee la sameeyo lix deegaan doorasho (shanta maamul-goboleed iyo Muqdisho), oo markaas xisbi kasta oo liis xiran uu la tago gobol kasta, laguna tartamo tirada xildhibaanada hadda maamul-goboleedkaas ugu jira baarlamaanka.

    Haddii akhristow, tusaale ahaan, xisbiga aad adigu madaxda ka tahay uu Koofur-galbeed ka tartamayo (iyo gobol kasta oo kale), waxaa uu reer Koofur-galbeed u geynayaa liis xiran oo ay ku qoran yihiin tirada hadda Koofur-galbeed baarlamaanka ugu jirta (oo ah 69 xildhibaan), xisbiyada kalana liiskooda oo 69 murashax ku qoran yihiin, ayay iyana u ol-olaynayaan, sidaas si la mid ah ayaana 37-ka kursi ee Puntland taalla, 37 Hirshabeelle, 39-ka Jubaland, iyo 36-da Galmudug ay xisbiyadu ugu tartamayaan.

    Haddii gobol kasta kuraastiisa si toos ah loogu tartamo, siyaasiyiin badan ayaa aqbalaya (ama iimaan-sanaya) in liiska 39-ka ah (Jubaland) ama 37-da ah (Hirshabeelle) ay aqbalaan in ay nambarka 25-aad ama 30-aad loogu qoro, balse aan aqbaleen in ay liis 275 ah, ka noqdaan murashaxa 80-aad ama 60-aad.

    Shacabka qudhooda, intii la oran lahaa, 275 xildhibaan oo aanay badankooda aqoon u codeeya, waxaa u wanaagsan in ay kala xushaan liis 40 ama 60 tartame ama murashax-xildhibaan, kuwaas oo noqon kara dad ay yaqaanaan ama aqoonsan karaan.

    Haddii dowladda, maamul-goboleedyada iyo mucaaradku ay ku heshiiyaan hannaankan mid ka duwan anigu raali ayaan ka ahay, ha noqdo mid ka mid ah afarta hannaan oo Machadka Heritage uu sida faah-faahsan u sharxay ama ha noqdo, hannaan kale oo cusub. Waxaase lagama maarmaan ah in bisha Nofeember inta aysan dhammaan la helo hannaan doorasho oo wada-ogol ku yimid iyo in siyaasiyiintu ay fahmaan in dalkaani horay u socon karo oo kaliya haddii siyaasiyiintu ay aqbalaan in ay ku wada shaqeeyaan isku-tanasul.

    W/Q: Cabdirashiid Khaliif Xaashi:
    Agaasimaha Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage, iyo Wasiir hore.
    [email protected]

    C/rashiid Xaashi Doorashada 2020 Hannaanka Doorashada 2020 Machadka Heritage Top Xaaladda Siyaasadda
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMadaxweynaha Turkiga oo ku gacan seyray Cadaadis & Cunaqabateyn uga timid Mareykanka & Midowga Yurub
    Next Article Taliyaha Booliska oo isku shaandheyn ku sameeyay Qaar ka mida taliyeyaasha & Qeybaha Booliska [Akhriso Magacyada]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo