Dalladaha Waxbarashada ee ka jira Koonfurta Soomaaliya ayaa qaadacay go’aan ka soo baxayu wasaarada waxbarashada dowladda federaalka oo ahaa  ina Imtixaan Mideysan laga qaado dalka, waxayna warsaxaafadeed ay soo saareen ku sheegeen inaysan suuragal ahayn xilligan in imtixaan mideysan la qaado iyadoo sabab uga dhigay arrimo dhowr ah oo ay qodobeeyeen.
Kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Dalladaha waxbarashada oo ka koobnaa 12-Dalladood ayaa kulankooda uga hadlay xaaladda waxbarashado ee dalka iyo aragtidooda ku aadan in imtixaan mideysan laga qaado iskuulada waxbarashada  dalka. waxayna arrintaas sabab uga dhigeen qodobada soo socda:
[ad name=”HTML-1″]
1. Xaaladda nabadgeliyo ee dalka ka jirta aawgeed.
2. Iyadoo aysan jirin diyaargarow ku filan oo imtixaan mideysan lagu qaadi karo.
3. Iyadoo uusan weli jirin xeerkii waxbarashada gaarka loo leeyahay.
4. Iyadoo uusan jirin Manhaj mideysan oo dhameystiran.
5. Imtixaanka oo hal mar aan wada-gaari karin meelaha ay Iskuuladu ku yaalaan.
6. Iyadoo uusan jirin imtixaan mideysan oo ay wasaaradda iyo Dalladaha waxbarashada ku heshiiyeen hadda.
Warsaxaafadeedka ayaa Dalladaha soo saaray ee ku saxiixnaa ayaa waxay kala yihiin sida tan:
1. SAFE {Schools Association for Formal Education}
2. FENPS { Formal Education Network for Private Schools}
3. SOFEL {Somali Formal Education Link}
4. SOFE {Schools Organization for formal Education}
5. FPNES {Formal Private Education Network in Somalia}
6. SOFEN {Somali Formal Education Network}
7. SOFPEN {Somali formal private Education Network}
8. ABUHA {Academic Private Education Umbrella in Horn Africa}
9. SEDA {Somali Education Development}
10. MEU {Al ma’ m un Education Umbrella}
11. SNEFA {Somali Network Education for all}
12. SONI {Somali Network Institute}.
13-kii Bishii April ayay ahayd markii wasaaradda waxbarashada dowladda Federaalka iyo Dalladaha Waxbarashada ay isku waafaqeen in imtixaan mideyn oo heer qaran ah laga qaado dhammaan dugsiyada sare, arrintan oo guddiga adeegga bulshada ee Baarlamaanka la qaatay wasaaradda markii ay ka doodeen arrintan oo ahayd guul weyn oo lagu waday in markii ugu horeysay laga gaaro waxbarashada kala socota ee Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada dowladda Federaalka Khadra Bashiir Cali ayaa diidmo xoog leh kasoo wajahday iminka Dalladaha waxbarashada Koonfurta Soomaaliya oo muddo dheer iska maamulayay waxbarashada, iyadoo hadda u muuqda inay cudurdaarro badan hor dhigeen go’aankii wasaaradda Waxbarashada oo hadda laga sugayo wixii ay ka yeeli lahayd arrintan.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-6″]