Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abukar Cabdi Cisman (Baalle) ayaa inaysan bixin Soomaaliya oo lagu leeyahay lacagihii qaaraanka ahaa ee dal ahaan looga rabay Q/Midoobay, taasoo aan la bixin 15-kii sano ee lasoo dhaafay.
Dowladda Soomaaliya ayaa sanad walba codsata in dib loo dhigo bixinta lacagtaas, sannadkanna ay codsigaas u direen Q/Midoobay. Wuxuu meesha ka saaray oo been ku tilmaamay in loo diiday Soomaaliya inay golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay inay ka hadlaan ama inay codeeyaan.
Danjire Abuukar Baalle ayaa Sheegay in Soomaaliya lagu leeyahay Lacag dhan ($ 1,400,000 ) Hal Milyan iyo Afar Boqol oo kun oo doolar sanad walbana looga baahan yahay Soomaaliya inay gudbiso cudurdaar aysan lacagtaasi ku bixin karin, islamarkaana laga aqbalo, sanadkan 2017 uu ay la mid tahay sanadihii hore.
Jawaabta danjiraha Soomaaliya ee Q/Midoobay ayaa soo baxday kadin markii la baahiyay qoraal ka soo baxay Q/Midoobay oo muujinaya in dalal ay ku jirto Soomaaliya aysan xaq u lahayd codkii Golaha Guud, maadaama aysan bixin qaaraankii laga rabay.
Soomaaliya oo Lumisay Codkeedii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay [Akhriso sababta]