Danjiraha Ingiriiska ee Soomaaliya David Concar ayaa walaac weyn ka muujiyey xaaladda magaalada Baydhaba iyo in xiisadii ka jirtay ay isu bedesho gacan-ka-hadal.
Safiir Concar oo ka mid ahaa Diblomaaasiyiin fara-ku-tiris ah oo magaalada Baydhaba kula kulmay Mukhtaar Roobow oo maanta laga soo xiray magaalada Baydhaba ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa ku sheegay in inuu si weyn uga walaacsan yahay in xiisadii doorashada K/Galbeed ay isu bedesho gacan-ka-hadal.
“Cid waliba oo saameyn ku leh waxa dhacaya waxaan leeyahay: fadlan is xakameeya, waxaan ku boorinayaa in la is dejiyo dadka magaalada Baydhaba dartood oo ay ku jiraan kumanaanka barakacayaasha ah” ayuu farriintiisa ku yiri danjiraha UK ee Soomaaliya David Concar.
Safiirka UK ayaa hore u booqday magaalada Baydhaba, wuxuuna kulan gaara la yeeshay Mukhtaar Roobow, iyadoo uu jiro tuhun ku saabsan in UK ay lug ku lahayd dhiirigelinta Sheekh Roobow.