Safiirka cusub ee Soomaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyay Xoghayaha guud ee Q/Midoobay Antonio Guterres.
Abuukar Maxamed Cismaan (Baalle) Danjiraha cusub ee Dowladda Soomaaliya u magacowday Qaramada Midoobay ayaa sheegay inuu ka mid ahaa diblomaasiyiin uu qaabilay xoghayaha guud.
Wareysi uu siiyay VOA-da ayuu waxba kama jiraan ku tilmaamay warar la isla dhex marayay oo ku saabsan inuusan heli doonin xasaanad diblomaasiyadeed maadaama uu heysto dhalasho Mareykan ah.
“Waxaan ku imid baasaboorka diblomaasiga ah, xasaanadna waan heystaa, warkaasi waxaa faafiyay kuwo aan u aqaan saxaafadda Tabliod-ka Media-ha oo aan waxba ka aqoon sida dunida u shaqeyso..” ayuu yiri Abuukar Baalle oo sheegay inay jiraan diblomaasiyiin badan oo isagoo kale ah.
Wuxuu qiray inay saaxiibo dhow yihiin madaxweyne Farmaajo, balse aan xilka loogu magacaabin saaxiibtinimo ee uu leeyahay aqoontii uu ku qaban lahaa xilkaasi.
DHAGEYSO WAREYSIGA