Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa beeniyay inuu kulan dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, kadib wareysi uu safiirku la yeeshay Wargeyska Daily Nation.
Safiir Tarsan ayaa xaqiijiyey in Safiirka Mareykanka Kayle McCarter uu dhowr bilood ka hor tegay magaalada Muqdisho, wuxuuse beeniyey inuu la kulmay Madaxweyne Farmaajo. Qoraal uu baraha bulshada soo dhigay Danjire Tarsan ayuu ku sheegay.
“Ummadda Soomaaliyeed waxaan wargalinaynaa inuusan dhicin kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Safiirka Mareykanka ee Kenya xilligii uu booqashada ku yimid Muqdisho oo ahayd dhawr bilood kahor” ayuu yiri Danjire Maxamud Axmed Nur (Tarsan).
Safiirka ayaa ugu baaqay wargeyska Dailynation inuu iska hubiyo warbixinada uu faafinayo, waxayna arrinan shaki kale sii gelisay arrimaha ku wareegsan Kiiska Badda,, sida safarka safiirka Kenya ee Muqdisho oo qarsoodi ahaa, horeba aysan u shaacin dowladda Soomaaiya.