Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Daraasad ku saabsan hoos u dhaca kalsoonida Shacabka ku qabaan Madaxda Dalka oo la shaaciyey [Akhriso]

    Daraasad ku saabsan hoos u dhaca kalsoonida Shacabka ku qabaan Madaxda Dalka oo la shaaciyey [Akhriso]

    October 2, 2018Updated:October 2, 20183 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Daraasad laga sameeyay lix gobol oo ka tirsan Soomaaliya ayaa lagu ogaaday in madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedayada ay lumiyeen kalsoonida shacabka.

    Daraasaddani oo ay sameeyeen hay’adaha Ipsos Limited iyo Farsight Africa Research ayaa muujineysa in 48% ay rumeysan yihiin in waddanka uu ku socdo jihada saxda ah.

    Balse waxaa jira kala duwanaansho goboleed, sida gobalka Banaadir, oo ku yaal magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, halkaasi oo 34% muwaadiniinta ku nool ay rumeysan yihiin in waddanka uu ku socdo jiha khaldan.

    Aragtidan dadka gobolka Banaadir ayaa ku saleysan arrimaha la xiriira amni darrada, musuq-maasuqa, si xun u isticmaalka dhaqaalaha iyo weliba gaabiska ku yimid kobaca dhaqaalaha dalka.

    Sida lagu sheegay natiijada daraasaddani, 42% muwaadiniinta Soomaaliya ayaa dareensan in sanadkii la soo dhaafay waxba aysan ku kordhin dhaqaalaha dalka.

    Heerka kalsoonida ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ku qabaan madaxweyne Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa aad hoos ugu dhacday.

    Mohamed C/llaahi Farmaajo
    19% hoos u dhacday kalsoonidii madaxweynaha ay ku qabeen shacabkiisa

    Sida ku cad daraasaddani, sannad gudahiis ayay 19% hoos u dhacday kalsoonidii madaxweynaha ay ku qabeen shacabkiisa, iyadoo sanadkii 2017-kii, heerka kalsoonida madaxweynaha ay mareysay 86%, balse haatan ay tahay 67%, tan oo weli ah tiro aad u sarreysa marka la barbardhigo inta badan madaxda dunida.

    Sidoo kale, kalsoonida ra’iisalwasaare Xasan Cali Kheyre ay ku qabaan shacabka ayaa hoos u dhacday oo gaartay 62% halka sanadkii 2017-kii ay ahayd 83%.

    Kalsoonida ra'iisul wasaaraha ayey daraasadda sheegtay inay hoos u dhacday 21%
    Kalsoonida ra’iisul wasaaraha ayey daraasadda sheegtay inay hoos u dhacday 21%

    Kalsoonida ay shacabku ku qabaan golaha wasiirada ee ra’iisalwasaare Kheyre ayaa sidoo kale hoos u dhacday marka loo eego sanad ka hor oo ay ahayd 86% halka haatan ay ka tahay 49%.

    “Hoggaamiyeyaasha dowladda ayaa si dhakhso ah u luminaya kalsoonida shacabka. Waa muhiim ah in wax laga qabto meelaha aan shaacinnay in dowladdu ku lumisay kalsoonida shacabkeeda, si dadka looga qanciyo waxyaabaha ay tabanayaan,” ayuu yiri Anthony Ndirangu oo ah madaxa Cilmi-baarista ee IPSOS /Farsight.

    Kalsoonida ay dadweynahu ku qabaan ciidanka booliska iyo kuwa milatariga ayaa si siman hoos ugu dhacday, ilaa iyo ay gaartay heer ay shacabku aaminaan in ay ku guuldareysteen waajibaadkooda ah sugidda amniga dalka.

    Shacbiyadda madaxda maamul-goboleedyada ayaa guud ahaan aad ugu hooseeysa gobollada. Laba ka mid ah madaxda maamul-goboleedyada oo kaliya ayay shacbiyaddooda ka badan tahay 50%, taa oo ka dhigan in afarta kale ay ka hooseeyaan 50%.

    • Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya 55%.
    • Madaxweynaha Jubbaland 52%.
    • Madaxweyneyaasha Hirshabeelle iyo Galmudug 43%
    • Madaxweynaha Puntland 31%.

    Daraasad oo aanay muuqan waxa lagu saleeyay hoos u dhaca iyo sare u kaca kalsoonida sahcabka mar haddii aanay jirin daraasad ka horeysay ayaa su’aalo badan ka taagan yihiin qaabka loo sameeyay iyo xaqiiqada lagu dhisay, iyadoo Soomaaliya aanay ka jirin hay’ado imkaaniyaad weyn oo baaritaan leh, kuwaasoo xaqiiqada dhabta ah u dhowaan kara.

    Daraasad Farmaajo Farsight Africa Research Ipsos Limited Kheyre
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXisbiga Nabad & Nolol oo dhowaan lagu dhawaaqayo iyo Ra’iisal wasaare ku xigeenka oo ka hadlay
    Next Article Xildibaan Fiqi oo Diginiin u jeediyey Warbaahinta dowladda, una jawaabay Ra’iisal wasaare ku xigeenka [Akhriso]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo