Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in saaka askari ka tirsan ciidamada amniga dolwadda Soomaaliya uu toogasho ku dilay darawal Mooto Bajaaj.
Dilka Darawalka ayaa ka dhacay Isgoyska Trebuunka ee degmada Hodan, waxayna goobjooyaasha sheegayaan inuu muran dhex maray askariga iyo darawalka Mooto-Bajaajka, kadibna uu askariga rasaas ku furay, halkaasina uu ku geeriyooday Darawalkii.
Askariga falkan geystay ayaa la sheegay inuu ku qeyliyey Bajaajlaha oo jiiray Bar ay biro u yaalleen ciidamada, wuxuuna ku amray inuu furaha ku soo wareejiyo, balse iyadoo daraawalkii uu askariga ka baryayo inuu fasaxo uu rasaas ku furay, iyadoo xabbada sababtay geeridiisa ay ka gashay wejiga, kana baxday qeybta dambe ee madaxa.
Askariga dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta, waxaana goobtaasi gaaray ciidamada Booliska, iyadoo dadweyne badan ay isugu soo baxeen goobta uu dilku ka dhacay.
Dilka Darawaladda Mooto Bajaajka ee ay geysanayaan ciidamada dowladda ayaa kusii kordhay magaalada Muqdisho, balse waxay hakad galeen markii bannaanbaxyo rabshado wata ay ka dhaceen caasimadda markii askari uu dilay darawal Mooto iyo qof la socday.