Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in darawal mooto Bajaaj lagu dulay degaanka Weydow ee duleedka magaalada.
Dilka ayaa ka dhacay degaanka Weydow, kadib markii muran dhex maray darawal Mooto Bajaajle ah oo lagu magacaabi jiray Carab Siidow iyo dabley degaankaasi caan ah oo rasaas ku futay, kana baxsaday goobtaasi.
Ninka dilka geystay ayaa lagu magacaabaa C/qaadir Ibraahim Caddow, kasoo sheegay inuu yahay nin Goofley ah oo hubeysan, kaasoo dadka degaanka ay sheegeen inuu hore aabihiis u dhaawacay, kana jebiyey lugaha.
Ninkan dableyda ah ayaa baxsaday markii uu toogtay darawalka Mooto Bajaajta, waxaana halkaasi gaaray ciidamada amniga oo aan xilligaasi ku guuleysan inay qabtaan gacan ku dhiiglaha.