Wararka hadda laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xoog leh uu goor dhoweyd ka dhacay magaalada Muqdisho.
Qaraxan oo guud ahaan laga maqlay magaalada caasimadda ah waxay wararkii ugu horeeyay sheegayaan inuu ka dhacay agagaarka dekadda Muqdisho.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu geystay gaari laga soo buuxiyay waxyaaabaha qarxa, oo lagu qarxiyay waaxda canshuuraha Dekadda xilli ay ku sugnaayeen dadweyne isugu jira xamaali fara badan oo dekadda u shaqo taga iyo dad ku ganacsada.
Qasaaraha ka dhashay ayaa wararkii ugu horeeyay sheegayaan in meydadka 7 qof laga qaaday goobta qaraxu ka dhacay, iyadoo dhaawacu intaas ka badan yahay. Wararka qaar ayaa sheegaya in dadka dhintay ay kor u dhaafeen 15, ayna u badan yihiin dadka xoogsatada ah ee u shaqo tegay Dekadda.
Wadani.com