Wararka laag helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya inay dhaqdhaqaaq xoog leh ka wadaan magaalada Dhuusamareeb ciidamada Itoobiya ee halkaasi deganaa.
Dadka degaanka ayaa sheegay in ciidamada ay bilaabeen saaka aroortii hore inay ka baxaan saldhigyadoodii iyadoo qeybtii ugu horeysay ay xuduudkaa Itoobiya u gudubtay.
Ciidamada Itoobiya oo dhowaan ka baxay magaalada Ceelbur ayaa tegay Dhuusamareeb iyadoo halkaasina uga sii gudbay dalkooda, laakiin in ciidamada Itoobiya ka baxaan Dhuusamareeb waa arrin cusub.
Ma cadda in dhammaan ciidamada Itoobiya ee ku sugan Gobolka Galgaduud oo aan ka mid ahayn AMISOM ay ka baxayaan saldhigyadooda, waxayna wararkii ugu danbeeyay sheegayaan inay muuqato ciidamada Itoobiya inay isaga baxayaan Gobolkaasi.
Wadani.com