Kooxda Khialafada Islaamiga ee Daacish ee fadhigoodu yahay dalalka Ciraaq iyo Suuriya ayaa goor dhoweyd sheegatay inay ka danbeysay weeraradii qorsheysnaa ee ka dhacay lix goobood oo ka mida magaalada Paris ee dalka Faransiiska.
Bayaan ay DAACISH soo saartay ayaa lagu sheegay in Faransiiska uu ugu horeeyo dalalka dagaalka ku haya islaamka, waxayna sheegtay in 8 ruux oo ka xirnaa jaakado miineysan ay fuliyeen qaraxyada 7-da ah ee ka dhacay magaalda Paris. Waxay ISIS u digtay dalalka kale ee ku lug leh dagaalka lagu hayo iyadoo ku goodisay in weerarada Paris ay yihiin oo qura digniin.
Madaxweynaha Faransiiska ayaa saaka ku eedeeyay ISIS inay mas’uul ka tahay weeraradii lagu qaaday Paris, ayna jawaab cad ka bixin doonaan. isagoo ku eedeeyay in weerarada laga soo qorsheeyay dibadda gudahana laga fuliyay oo gacan laga helay dad ku sugan Faransiiska.
Waa weeraradii ugu cuslaa ee dal Yurub ah ay ku qaado Daacish oo u muuqata in awoodeeda ay sii kordheyso dunida oo dhan, waxaana Faransiisku ka mid ahaa dalalka taageerada mucaaradka Suuriya ka dagaalamaya.
Wadani.com