War hadda soo dhacay ayaa sheegay in diyaarad ay ku dhacday duleedka magaalada Muqddsho ee caasimadda Soomaaliya.
Diyaaradda dhacday ayaa la sheegay inay tahay nooca keligood is wada ee DRONE-ka, waxaana wararku sheegayaan in ciidamo loo dirtay goobta ay ku dhacday diyaaradda.
Diyaaradda dhacday ayaa loo maleynayaa inay leeyihiin ciidamada Mareykanka ee ka howlgala Koonfurta Soomaaliya oo fadhigoodu yahay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Diyaaradaha Drone-ka Mareykanka ayaa loo adeegsadaa in lagu duqeeyo xarumaha iyo madaxda Alshabaab.