War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in qarax ka dhacay xarun Tareenada dhulka hoostooda mara laga raaco magaalada St. Petersburg, ee dalka Russia.
Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhaxeya laba xarun, waxayna wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo waxay sheegayaan in ugu yaraan 10 qof ay ku dhinteen iyadoo dhaawacy gaaray 50 kale, Qaraxyada ayaa ka kala dhaca xarunta tareenka Sennaya Ploshchad.
Wakaaladaha wararka ayaa sheegaya in dad badan ay ku dhaawacmeen qaraxa oo ka dhacay xarun Tareen dhulka hoostiisa mara oo magaalada St. Petersburg, ku taalla.
Wakaalad wararka Russa ee Inter Tass ayaa sheegtay in 10 qof ay ku dhinteen weerarka. Dhaawaca ayaa gaaraya 50 kale. warar kale ayaa sheegaya in la fashiliyay bam kale oo u diyaarsanaa inuu qarxo.
Madaxweynaha Ruushka Valdamir Butin oo magaalada St. Petersburg ku sugan kana qeyb gelaya shir dhaqaale oo halkaasi ka dhacaya ayaa laga soo xigtay inay baarayaan qaraxa iyo sababaha dhaliyay oo ay ka mid tahya haddii yahay mid argagixiso.
Waxaa gebi ahaan la xiray Tareenada hoos mara dhulka, waxaana magaalada ka socda howlgal ammaan iyo baaritaanno xoog leh.
SAWIRRO
Wadani.com