Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Deelqaafka ku jiray Khudbadii Ra’iisul Wasaare Rooble (Qormo kulul)

    Deelqaafka ku jiray Khudbadii Ra’iisul Wasaare Rooble (Qormo kulul)

    May 2, 2021Updated:May 2, 20213 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    DEELQAAFKA ku jiray Khudbadii Ra’iisul Wasaare Rooble ee dareenka aan ka muujiyay. Sadex qodob ayaanan ku soo koobayaa.

    Sadex qodob ayaanan ku soo koobayaa.

    1. Arimaha amniga wuxuu sheegay in uu la soo wareegay Amniga doorashooyinka iyo fulinta qorshaha amniga guud ee qaranka.

    – Amniga doorashada waa howl farsamo mas’uuliyadeedana waxaa iska leh Ciidanka Booliska heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed. Waana shaqo uu qaban karo Taliye Saldhig isagoo kaashan kara cidii uusan uga maarmeyn. Lkn waxa la isku hayo intaas waa ka mug weynyihiin, taasoo ah awaamiirta Taliyeyaashu bixinayaan, cida ay ka amar qaadanayaan iyo siyaasaadka ay ku shaqaynayaan.

    Rooble waxa laga sugayay in uu mas’uuliyada amniga si buuxda ula wareego, badalana Taliyeyaasha dhiiga gacmaha kula jira ee hormuudka ka ahaa dhibaatadii ka dhacday magaalada Muqdisho.

    – Fulinta Qorshaha Amniga ee Rooble sheegay hadii uu yahay midkii Farmaajo shalay Golaha Shacabka ka hor sheegay waxaba isma badalin wali, waxayna ka dhigantahay in Farmaajo wali yahay Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida, Rooblena uu yahay fuliyaha qorsheyaasha Farmaajo.

    Walina waxaan aqrisanaynaa casharadii Farmaajo muddada afarta sano ah noo meerinayay ee ay ugu dambeeyeen weerarkii 19-kii Febraayo uu ku qaaday Madaxweyneyaal, Ra’iisul Wasaare, Musharaxiin, Xildhibaano, Siyaasiin iyo Shacab si nabad ah u bannaanbaxaya.

    Weerarkii 14-kii iyo 16-kii Abriil lagu qaaday Taliyihii Booliska Gobolka Banaadir Gen Saadaq Joon iyo duulaankii qorshaysnaa ee guryaheena lagu soo qaaday 25-kii Abriil ee dad shacab ah lagu laayay kuwa kalena lagu barakiciyay, Ciidamada Qalabka Sida-na ku burbureen oo maanta aagag dagaal isaga soo horjeedaan.

    2. Ciidamada wuxuu yiri mucaarad iyo muxaafid malahan waxaanan farayaa in ay xeryahooda ku noqdaan, kana fogaadaan in ay ku milmaan arimaha siyaasada. Sidoo kale wuxuu sheegay in loo saarayo gudi farsamo oo ka soo talo bixiya arimaha siyaasadeed ee saameynta ku yeeshay ciidamada.

    – Ra’iisul Wasaare Rooble waxaan waydiin lahaa sidee xero u wada geli karaan Ciidamo madaafiic isla dhacay oo dhufaysyo isugu jira iyadoo aan la xalin sababihii dhaliyay arintaan, sidoo kalena aan la samaynin isbadal muuqda oo kalsooni gelin kara labada dhinacba. Sidoo kale sidee isku aaminayaan ama u kala amarqaadanayaan Taliyeyaal kala irdhoobay, mid waliba midka kale xabad ku goobayo, wax xurmo ah oo ka dhaxeysana aysan jirin?

    – Siyaasada ciidamada in laga dhex saaro ma xuma lkn Farmaajo makaa yeelayaa, maadaaba ilaa hada ciidamo uu ka soo daabulayo gobolada dalka si uu mar kale ugu isticmaalo siyaasad. Dhanka kale gudiga aad sheegtay in aad magacaabayso sidee loo aamini karaa hadii uu noqdo gudi hal dhinac ah, sooma noqon karo gacmo Farmaajo ku adeegto mar kale?

    3. Qodobka ugu dambeeya waa arinta ku saabsan shirka DF iyo DG ee Rooble sheegay in uu ku baaqi doono. Rooble iyo Farmaajo waxay ka mideysanyihiin in aan waxaba lagu darin heshiiskii 17-kii September iyo talo soo jeedintii 16-kii Febraayo wax sharuudo ahna aan lagu xirin. Sida labadooduba shalay ay ku sheegeen khudbadahooda.

    – Waxaan su’aali lahaa Ra’iisul Wasaare Rooble hadii howshu sidaas u fududahay maxay Madaxweyneyaasha DG Muqdisho u fadhiyeen mudo 45 cisho, shirkuna u fashilmay, sababayna in dagaal ka dhaco magaaladan.

    Aragtideydu kuma dhisna caaddifad ee waxay ka tarjumaysaa waaqica jira.

    Waxaanan diyaar u ahay inaan qayb ka noqdo xal walba oo suurtagelin kara in si nabdoon dalkaan doorasho uga dhacdo, dalka iyo dadkana laga samatabixiyo mushkiladaan uu dhex maquuranayo. Ra’iisul Wasaare Rooble waxaan leeyahay abtiyow dhiiqadii Farmaajo lugaha kula jiray yaan adiga lagaaga dhex siibanin ee si xikmadeysan arintaan u wajah, dadkana talada wax ka sii.

    Kuwa xamaasadeysan ee raba caaddifad in ay ku majoxaabiyaan dadaalkeenana waxaan leenahay walaaleyaalow Ilaahey iimaanka ha idin geliyo.

    Mahadsanidiin.

    W/Q: Hon. Mahad Salad

    Doorashada Mahad Maxamed Salaad Rooble
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDowladda Mareykanka oo ku dhawaaqay inay Soomaaliya ka taageerayo qabashada Doorashada
    Next Article Midowga Musharixiinta oo shaaciyey inay la-shaqeynayaan RW Rooble (Shan Qodob oo ay dalbadeen)

    Related Posts

    Maxaa Addis Ababa ku qabsaday Xasan Sheekh? (3-da Aragti ee Mucaaradka Madaxweynaha)

    February 18, 2024

    Maxaa lagu diidan yahay Hab-raaca lagu muransan yahay ee Dastuurka..?

    January 24, 2024

    Hadal jeedinta Madaxweynaha iyo Waxyaabihii la tabey ee ka Maqnaaa (Qormo).

    January 3, 2024

    Yusuf Garaad oo ka hadlay Dhibaato culus oo ka jirta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

    November 29, 2023

    5 Arrin oo lagu diidan yahay Qorshaha Dastuurka ee Xasan Sheekh iyo waxa ka dhalan kara

    November 27, 2023

    C/raxman C/shakuur oo Qoraal talo- culus xambaarsan u diray Siciid Deni

    November 7, 2023

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo