Degaano ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug ayey maanta u bilaabatay maalintii koowaad ee Ciidul firtiga, iyadoo magaalada Dhuusamareeb ay salaadda ciidda ka qeyb galeen madaxa xukuumadda Galmudug.
Degaanada maanta laga ciidayo waxaa ka mida: Dhuusamareeb, Guriceel, Cabudwaaq iyo degaano kale, waxaana ka qeyb galay Madaxa Xakuumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, iyadoo Saalada Ciida laga oogay Masjidka Madaxtooyadda magaalada Dhuusamareeb oo ay ku sugnaauyeen Xildhibaanada, Saraakiisha Ciidamada, Shaqaalaha Dowlad Goboleedka Galmudug ee kasoo jeeda Ahlu suna.
Maxamed Shaakir ayaa Hambalyo ku aadan Ciidul Fidriga u Diray Dhamaan Ummadda Muslimiinta , Shacbiga Soomaaliyeed iyo Ummada Galmudug , uguna Duceeyay Nabad iyo Barwaaqo.






