Ciidamada Booliska Kenya ayaa goor dhoweyd xabsiga u taxaabay weriya caan ah oo lagu magacaabo Yaasiin Juma, iyadoo aan la shaacin sababta loo xiray.
Weriyaha ayaa wax ka qori jiray arrimaha geeska Afrika, waxaana la geeyay saldhiga ee Muthaiga Police Station.
Weriye Yaasiin ayaa ahaa saxafi ka howlgala NTV uu muddo 4 sano ah uga waramayay arrimaha Geeska Afrika.
Dowladda Kenya ayaa amarro adag ku soo rogtay warbaabinta dalkaasi iyo dadka caadiga ah oo ku saabsan ka hadalka iyo baahinta sawirrada ciidamada Kenya ee ku waxyeeloobay dagaalkii Ceelcade.
Yasin Juma ayaa Blog uu leeyahay ku baahiyay sawiradii ay faafisay Alshabab ee askartii Kenya looga laayay dagaalkii Ceelcade, taasoo la filayo inay sabab u tahay xarigiisa.

He shared his fears of being arrested with me on 21st Jan 2016. I encouraged him to stay put and now #FreeYassinJuma pic.twitter.com/8PeYuHf065
— Abdirahman Issack (@Wajia02) January 23, 2016
Wadani.com