in ka badan 50 xildhibaan oo kamida xildhibaannadii ku saxiixnaa mooshinkii laga keenay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shir jaraa’id ka sheegay caddeeyay ka tanaasuleen Mooshinkaasi oo ay wadahadal u bedelayaan mooshinkoodiii.
Kulan gaara oo ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho ayay xildhibaanadan soo saareen go’aan cusub oo ay ka qaateen mooshinkoodii waxayna caddeeyeen inay dib uga laabteen mooshinkii xil ka qaadista madaxweynaha, waxayna soo dhoweeyeen wadahadalkii uu ku baaqay guddoomiyaha Baarlamaanka oo ay sheegeen inay diyaar u yihiin.
War saxaafadeed ay xildhibaanadaasi soo saareen ayaa waxaa lagu qoray 12 qodob oo lagu sheegay in lagu soo dhoweeyay talada Guddoomiyaha Baarlamanka ee xal u helida xiisad siyaasadeed ee dalka ka taagan. Xildhibaan C/laahi Maxamed Adan (Shaacir) oo ka mid ah mudanayaasha ayaa sheegay iney go’aankan qaateen markii ay tixgeliyeen baahida loo qabo dhameystirka dhismaha maamul goboleedyada, codsiga gudoomiyaha baarlamanka iyo kan beesha caalamka.
Xildhibaan Aamino Cumar oo iyaduna kulanka ka hadashay ayaa sheegtay in xildhibaannada go’aankan qaatay ay intooda badan yihiin kuwii hore mooshinka uga keenay madaxweynaha, iyagoo garoowsaday xaaladda dalku marayo.
Muddooyinkan danbe waa burbur iyo kala jab ku socday xildhibaanada Mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha waday oo culeyso badan soo wajaheen waxayna tani noqoneysaa jugtii ugu weyneyd ee mooshinka madaxweynaha ku dhacdo.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]