Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in ciidamada Ahlu suna ay gacanta ku dhigeen sarkaalkii hogaaminayay ciidamadii ka horjeeday ee lagu magacaabo Liibaan Maxamuud (Liibaan Madaxweyne) isagoo dhaawac ah, kuna dhaawacmay dagaalkaasi.
Magaalada ayaa la sheegay inay ka baxeen ciidamadii taabacsanaa Sarkaalka la qabtay iyo kuwii ku soo biiray dagaalka ee Galmudug, waxaana arrimahan oo dhan ay dhaceen Duhurnimadii maanta.
Xaaladda ayaa cakiran waxaana gubanaya qeybo ka mida magaalada Dhuusamareeb, tirada dhimashada iyo dhaawacyada ayaa sii kordhaya..
Ciidamada Galmudug ee u gurtay daafaha magaalada ayaa la sheegay inay duqeyn ka wadaan magaalada iyadoo laga cabsi qabto in qasaarha dagaalka uu sii kordho.
Faahfaahin dheeraad ah la soco….
Wadani.com