Wararka ka imaanaya Gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in ciidammada Puntland ay isaga baxeen degaanka Af urur oo saldhig weyn ay ku lahaayeen ciidamada Daraawiishta Puntland.
Ururka Al Shabaab ayaa la sheegay in ay la wareegeen markii ay ciidammada Puntland isaga huleeleen deegaankaas. Puntland wali faahfaahin kama aysan bixinin sababta ay ciidammada oogala baxday deegaankaas.
Arrintan ayaa dhabarjab ah ku maamulka Puntland oo dagaal aan dhammaan kula jira kooxaha Alshabaab iyo Daacish ee ka howlgala buuraleyda Gobolka Bari