Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay in maleeshiyadeeda ay qabsadeen degaanka Bariire ee Gobolka Shabeeladaha Hoose, kadib markii ay ka baxeen ciidamada dowladda Soomaaliya.
Dadka degaanka iyo saraakiisha ciidamada ayaa xaqiijiyay in ciidamadii milateriga ee dowladda Federaalka oo ku sugnaa degaanka Bariire ay saaka aroortii ka baxeen halkaasi sababo aan la sheegin dartood, taasoo dhalisay in Alshabaab ay isla markiiba la wareegaan.
Bariire ayaa xarun u ahayd dagaallo dhex maray ciidamada dowladda iyo kuwa Alshabaab, waxaana askar badan looga dilay ciidamada dowladda, iyadoo ka bixitaanka ciidamada ay dib u dhac ku tahay dadaalkii dowladda Federaalka ka waday Shabeellada Hoose.