War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in maleeshiyo ka tirsan kooxda Alshabaab ay goor dhoweyd qabsadeen degaanka Ceelcali ee Gobolka Hiiraan.
Dadka degaanka ayaa sheegay in ciidamo fara badan oo ka tirsan Alshabaab ay soo galeen magaalada, isla markaana ay dadka isugu yeereen iyagoo halkaasi khudbad ka jeedinaya iminka.
Xalay ayay ahayd markii Alshabaab weerar madaafiic ah ku qaaday magaalada Ceelcali oo saldhig ay ku lahaayeen ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Itoobiya, taasoo keenty inay saaka isaga baxaan ciidamada Itoobiya kuwa Soomaalida ee la socday.
Arrintan ayaa dhabarjab ah ku AMISOM iyo dowladda Soomaaliya oo hore u sheegay in Alshabaab lagu qaadayo howlgal looga sifeynayo deganaada ay heysrtaan.
Wadani.com