Wararka laga helayo dalka Kenya ayaa sheegaya in maleeshiyada Alshabaab ay weerar culus ku qaaday xalay saqdii dhexe kadib degaanka Olla ee Waqooyoha Mandheera.
Wararkii ugu horeeyay ayaa sheegaya in Alshabaab ay cagta mariyeen saldhig ay ciidamada Booliska ku lahaayeen halkaasi iyo xarunta shirkadda Isgaarsiinta ee Safaricom, waxayna dadka degaankaasi sheegeen in jugta rasaasta iyo qaraxyada ay maqlayeen xilli danbe ee xalay.
Qasaaraha weerarka ayaan weli soo bixin, waxaana uu noqonayaa weerarkii saddexaad ee muddo toddobaad gudihiis ah ay Alshabaab ku qaadaan dalka Kenya, kadib weerarkii saldhigga Manda Bay ee Gobolka Lamu oo lagu dilay askar iyo shaqaale ka tirsan wasaaradda difaaca Mareykanka.
Booliska Kenya ayaa sheegay inay dib u caabiyeen weerarka Alshabaab, wax qasaare ahna aanu geysan weerarka.
LA SOCO…