AMISOM ayaa goor dhoweyd shaacisay in maleeshiyada Alshabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga ciidamada AMISOM ee degaanka Ceelbaraf, Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Qoraal ay soo saaray AMISOM ayay ku sheegtay in madaafiic hoobiyeyaal ah ay Alshabaab ku soo rideen saldhiga ciidamada Burundi ee ka tirsan AMISOM.
Saddex madfac oo Alshabaab la beegsatay saldhigga AMISOM ee Ceelbaraf ayay sheegay inay gebi ahaanba seegeen bartilmaadeedkoodii, kadibna jawaab ay bixiyeen ciidamada AMISOM lagu kala eryay maleeshiyadii weerarka soo qaaday.
Alshabaab ayaa sii kordhisay weerarada ay ku qaadeyso saldhigyada ciidamada AMISOM xilligan ay dhaceyso Doorashada 2016.
Wadani.com