War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in dabley loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Alshabaab ay weerar ku qaadeen xarunta Bankiga Equity ee Ceelwaaq Kenya.
Wararka laga helayo dadka degaanka iyo warbaahinta Kenya ayaa sheegaya in dableydan ay weerar toos ah ku galeen Bankiga, waxaan hadda socda rasaas xoog leh.
Afar qof oo ay ku jiraan saraakiil Boolis ah ayaa lagu dilay weerarka, waxaana ku dhaawacmay dhowr qof oo kale, sida ay sheegayaan wararkii ugu danbeeyay ee weerarkan.
Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo Alshabaab ay sii kordhisay weerarrada ay ku qaadeyso degaanka Waqooyi Bari Kenya. Wasiirka Amniga Kenya ayaa dadka degaanka ee Soomaalida dhowaan ku eedeeyay inay gacan siiyaan Alshabaab.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA..