Ciidamada AMISOM ayaa wasiiro iyo wafdi la socday ka hor istaagay inay galaan garoonka kubadda cagta ugu weyn Muqdisho.
War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ee ku sugan Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho ay u diideen inay galaan garoonka wafdi isugu jira wasiiro iyo guddoomiyaha Kubadda cagta Afrika.
Wafdigan ayaa ka koobnaa wasiirada dhalinyaradda iyo Isboortiga, Wasiirka Gaashaandhigga iyo guddoomiyaha xiriirka kubadda Cagta Afrika ee CAF Ahmed Mohamed oo maanta tegay magaalada Muqdisho.
Ujeedka wafdiga ayaa ahaa inay soo indha-indheeyeen garoonka iyo xaaladiisa iyadoo marar badan loogu baaqay AMISOM inay ciidamadeeda kala baxdo si loo dayac tiro taasoo ay ballanqaadeen balse aan dhicin.
Ciidamada AMISOM ee Stadio Muqdisho ayaa diiday inay ogolaadaan wafdiga waxayna sheegeen inaysan heysan wax ogeysiin ah, taasoo keenay muran iyo jaha wareer xalkiisa lagu jiro.
AMISOM ayaa mar waliba ku dooda in madaxda dowladda Soomaaliya ay xarumo ciidan iska galaan iyagoo aan xiriir la sameyn AMISOM isla markaana aanu jirin xiriir hore oo dhex maray.
Wadani.com