War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in ugu yaraan 8 qof lagu dilay weerar ka dhacay Dugsiga Sare ee Santa Fe High School, Koonfurta Bari ee Magaalada Texas, Dalka Mareykanka.
Ciidamada Booliska ayaa la sheegay inay qabteen qofka weerarka geystay, waxaana rasaas uu ku furay dugiga Sare oo arday badan ku sugneyd ay dhalisay qasaare balaaran oo dhimasho iyo dhaawac leh.
Xarunta Dugsiga Santa Fe High School ayaa gebi ahaan la xiray waxaana socda howlgal amni iyo daadgureynta dadka waxyeelada soo gaartay. Ma cadda in qofka weerarka qaaday uu ahaa arday iyo inkale.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA…