Wararka laga helayo Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa sheegaya in qasaare ka dhashay weerar isugu jira Qarax iyo dagaal toos ah oo lagu qaaday ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.
Weerarka ayaa ka dhacaydegaanka Gololley ee duleedka degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe, waxaana Miino ku qaraxday gaari ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda, iyadoo qaraxa kadib rasaas culus ay is weydaarsadeen labada dhinac.
Laba askari ayaa la sheegay inay ku dhinteen weerarka iyadoo 7 kale ay dhawacmeen, waxaana socda dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda ee qaraxu qabsaday iyo koox ka tirsan Alshabaab.
Dadka degaanka ayaa sheegaya inay maqleen qarax xoog leh, kadibna dagaalku bilowday, waxaana weli xaaladu ay tahay mid labada dhinac ay dagaalamayaan.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA…
Wadani