Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa goordhow shir jaraa’id ku qabanaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.
Xafiiska Axmed Madoobe ayaa shaaciyey in la isugu yeeray saxafiyiina, iyadoo Axmed Madoobe ka hadli doono marxalada uu shirku marayo iyo sababta illaa hadda xal looga gaari la’yahay arrinta gobolka Gedo.
Arrinta Gedo ayaa sababtey in heshiis rasmi ah ka soo bixi waayo shirka wadatashiga arrimaha Doorashooyinka ee Dhuusamareeb. Ma cadda in lagu kala tegayo shirka iyo inuu sii socon doono, laakiin waxaa socda dadaal ay wado beesha caalamka.
Shirka jaraa’id e Axmed Madoobe ayaa imaanaya iyadoo la isku mari waayey shirkii madaxda Soomaalida uga socday magaalada Dhuusamareb, iyadoo madaxweyne Farmaajo lagu wado inuu galabta ka dhoofo magaalada, kuna laabto Muqdisho.
